Kooxda Ugu Cad Cad Saxeexa Hazard, Labada Kooxood Ee Saxeexa Haaland U Dhaxeeyo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Manchester United iyo Arsenal ayaa ku biiray kooxaha doonaya Darwin Nunez iyaga oo rag usoo daawada kulankiisii Benfica ee Sabtidii u dirsaday. (Mirror)

RB Leipzig ayaa doonaysa inay Man United ka af-duubato oo tababaraheeda cusub u magacawdo Erik Ten Hag. (Telegraph – subscription)

Paris St-Germain ayaa ku jirta wadahadalo ay kula saxeexanayso Romelu Lukaku oo heshiis 98 Milyan oo pound ah Chelsea xagaagii ugaga soo biiray Inter Milan. (But via Sun)

Haddii uu Nunez ka tago Benfica, tababaraha kooxda ee Nelson Verissimo ayaa rajaynaya inay ku heli doonaan lacag ku dhaw 113 Milyan pound-kii ay Joao Felix kaga iibiyeen Atletico Madrid xagaagii 2019. (Goal)

Borussia Dortmund weeraryahankeeda Haaland ayaa iska diiday wararka la xidhiidhinaya Man United sababtoo ah ma filayo inay hammigiisa gaadhsiin karaan. (ESPN)

Haaland ayaan wali kala dooran Real Madrid iyo Man City waxaana adag inuu ku biiro Barcelona. (Marca)

Roma, AC Milan iyo Juventus ayaa kula biiray West Ham iyo Newcastle tartanka saxeexa Jesse Lingard oo heshiiskiisa Man United xagaaga dhacayo. (Mirror)

Borussia Dortmund ayaa Arsenal iyo AC Milan kaga horreysa tartanka saxeexa xiddiga Real Madrid ee Eden Hazard. (Cadena Ser – in Spanish)

Roma ayaa xiisaynaysa inay xagaaga la saxeexato khadka dhexe ee Aston Villa ee Douglas Luiz. (Calciomercato – in Italian)

Manchester United ayaa qorshaynaysa inay dib u habayn weyn ku samayso khadkeeda dhexe suuqa xagaaga xilli Paul Pogba lagu wado inuu bilaash kaga tago. (Mirror)

Tottenham fursadeeda saxeexa Josko Gvardiol ayaa ah mid aan suurogal ahayn maadaama uu 20 sano jirkaasi ku faraxsan yahay kooxdiisa RB Leipzig. (RB Live – in German)

Chelsea ayaa dalab u gudbisay weeraryahanka Arsenal ee Khayon Edwards oo ay kala hadleen suurogalnimada uu xagaaga ugu soo wareegi karo xilli 18 sano jirkaasi wali heshiis xirfadlenimo u saxeexin Gunners. (Goal)

Kooxo Premier League ah ayaa la filayaa inay xagaaga u dhaqaaqaan saxeexa daafaca dhexe ee Chelsea ee Levi Colwill oo amaah ugu maqan kooxda Huddersfield. (Fabrizio Romano)

Marco Asensio ayaa la filayaa inuu ka tago Real Madrid xagaagan xilli AC Milan iyo Tottenham xiisaynayaan. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*