Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa qorshaynaya olole weyn oo uu guud ahaan safkiisa gaar ahaan khadka dhexe ku nadiifinayo suuqa xagaaga.
Inay la saxeexdaan xiddigo khad dhexe ah oo ka tayo wanaagsan kuwa haatan u jooga ayaa mudo dhawr sano ahba lagula talinayay Reds balse marnaba ma aysan samayn midaas.
Xagaaga soo socda ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo booskaas ah oo laga xusi karo Jude Bellingham (Borussia Dortmund), Mason Mount (Chelsea) iyo Matheus Nunes (Wolves).
Waxa qasab noqon doonta in boosas loosii baneeyo xiddigaha kooxda kusoo biiraya, warbixin cusub ayaa haatan sheegaysa inay kooxdu gaadhay go’aanka ciyaartoyda ay fasaxayso.
Wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in Liverpool qorshaysay inay qaab bilaash ah kaga tagaan Alex Oxlade Chamberlain iyo Naby Keita oo heshiisyadoodu dhacayaan.
Ciyaaryahanka saddexaad ee soo raaca ayaa ah Arthur Melo oo qaab amaah ah ku yimid xagaagii balse badi xilli ciyaareedka ku maqnaa dhaawac.
Be the first to comment