Khubarada Kubadda Cagta Ee Paul Merson Iyo Joe Cole Oo Isku Raacay Kooxda Ku Guuleysanaysa FA Cup & Mark Lawrenson Oo Kasoo Horjeedsaday

Khubarada kubadda cagta ayaa isku afgaran waayay inay ku heshiiyaan saadaasha Finalka FA Cup iyo kooxda ku guuleysanaysa koobka galabta oo ay Liveprool iyo Chelsea ku kala calaf-qaadayaan garoonka Wembley Stadium.

Jurgen Klopp ayay kooxdiisu ahayd naadigii ku guuleystay finalkii Carabao Cup ee labadan kooxood ee horraantii sannadkan, markaas oo ay rikoodheyaal kaga badisay Chelsea. Hadda se waa uu ka duwan yahay, waxaanay labada kooxood foodda isku darayaan koobka ugu taariikhda weyn Ingiriiska.

Liverpool ayaa ku riyoonaysa inay afar koob ku wada guuleysato xilli ciyaareedkan, waxaanay hore usoo qaadday Carabao Cup, halka ay maantana u dagaallamayso ku guuleysiga FA Cup, iyadoo sidoo kale ay taagan yihiin finalka Champions League oo ay dhamaadka bishan la ciyaari doonaan Real Madrid, iyadoo horyaalkana ay saddex dhibcood ka dambeeyaan Man City.

Khabiirrada sameeya saadaasha kubadda cagta ayaa ciyaarta Liverpool iyo Chelsea ee maanta ku kala-qaybsamay midkooda koobka ay siinayaan, waxaana saddexda ugu cad-cad ee inta badan saadaashooda lala socdaa ay laba isku raaceen in koobka ay qaadayso Chelsea, halka mid kalena uu siiyey Liverpool.

Saadaasha Paul Merson

Khabiirkan oo saadaal toddobaadle ah ka sameeya horyaalka Premier League ayaa waxa uu koobka siiyey kooxda reer London ee Chelsea oo uu sheegay inay laba gool taabsiin doonto shabaqa Liverpool, halka kooxda tababare Klopp ay hal gool la iman doonto.

Merson oo u ciyaari jiray Arsenal, waxa uu sheegay in Chelsea ay ka faa’iidaysan doonto maqnaanshaha Fabinho oo ay khadka dhexe ka liidan doonto Liverpool, taasina sababi doonto inay ciyaartu ku dhamaato 2-1 ay guushu ku raaci doonto Chelsea.

Saadaahsa Joe Cole

Halyeyga hore ee Chelsea waxa uu la saftay kooxdiisa, isaga oo ka tusaale qaadanaya in Blues ay u diyaarsan tahay inay ka aargoosato Liverpool maadaama finalkii Carabao Cup lagaga guuleystay.

“Waxa aan ku sharatamayaa in Chelsea ay ku badin doonto 1-0. Qalbigayga ayaa sidaa ii sheegaya.” Ayuu yidhi Joe COle.

Saadaasha Mark Lawrenson

Khabiirka BBC Sports ay saadaashiisa sida toddobaadlaha ah usii deyso, waxa uu hore ugu ciyaari jiray Liverpool, waxaana uu qabaa aragti iyo saadaal ka duwan midda Paul Merson iyo Joe Cole.

Waxa uu Mark Lawrenson guusha siiyey kooxdiisii hore ee Liverpool, isaga oo bixiyey ishaaro ah in shabaqa ay soo taaban doonaan saddexda laacib ee afka hore ee Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Luis Diaz oo uu tilmaamay inay guusha Liverpool go’aamin doonaan.

Mark Lawrenson waxa uu saadaashiisa ku sheegay, in Liverpool ay guushu ku raaci doonto 2-0.

Haddaba akhriste, adiguna  saadaali oo nala wadaag kooxda aad rumaysan tahay inay koobka ku guuleysan doonto.

3 Comments

  1. Wayba iskacadahay KOOXDA dunida dhan kayabantahy ee liverpool inay 3:1 kugaraci Donto blue
    Sababto ah buugley oowolves 2:2 lagrty aaaaaah­čśĆ­čśĆ

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*