Kevin De Bruyne Oo Ka Hadlay Wixii Sababay Dagaalkii Garoonka Ku Dhax Maray Saaxiibkii Toby Alderweireld

Xiddigaha reer Belgium ee Kevin De Bruyne iyo Toby Alderweireld ayaa isku dhacay intii ay socotay ciyaartii ay xalay guusha dirqiga ah kaga gaadheen Canada, waxaanay kaamirooyinka garoonku soo qabteen labadan ciyaartoy oo faraha isku taag-taagaya, isla markaana tababare Roberto Martinez uu isku dayayo inuu kala maslaxo.

Michy Batshuayi ayaa Belgium u dhaliyey goolka madiga ah ee ay guusha ku heleen, hase yeeshee Thibaut Courtois ayaa uu ahaa geesiga qaybtii hore rikoodhaha ka badbaadiyey Alphonso Davies.

Canada ayaa ahayd dalka ku gacanta sarreeyey kubbad-haynta ee inta badan fursadaha badan helay, waxaana Kevin De Bruyne oo ciyaarta kaddib saxaafadda la hadlay uu qirtay in laga fiicnaa, isla markaana uu ka cadhaysnaa sidii uu ahaa xaalka xulka qarankiisu.

“Ma ahayn ciyaar fiican.” Ayuu yidhi Kevin De Bruyne oo intaa sii raaciyey: “Waxa aan u malaynayey in qaybtii hore ay wax naga qaldanaayeen sida dhismaha kubadda, iyo in aanaan helin meelo bannaan. Waqtigii nasashada ayaanu saxnay taas, kaddibna ciyaartu way noo hagaagtay, inkasta oo aanay kooxdu wanaagsanayn.”

Kevin De Bruyne oo la weydiiyey murankii garoonka dhexdiisa ku dhax maray isaga iyo Alderweireld, ayaa ku jawaabay: “Arrintaas [ciyaartooda liidatay] ayaanu ka wada hadlaynay. Waxay ila tahay inay jireen meelo bannaan oo badan oo muuqanayay, waxaanan u malaynayay in aanu in badan raadinaynay kubbado dhaadheer halkii ay ka ahayd in aanu kubadda dhisno.

“Wax kasta oo na dhaxmaray waxay ku saabsanaayeen dhibaatada naga haysatay sidii aanu u ciyaari lahayn. Waanu ogaanay wixii aanu u baahhnayn.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*