Kama Qasna!! Waxa Ay Sii Diyaarsadeen Xulka Brazil Koobka Aduunka Kahor Oo Kaa Yaabinaya

Xulka Brazil oo kamida kuwa ugu cad cad koobka aduunka ayaa caawa bilaabanaya tartankaas isagoo ciyaar adag gegida Lusail Stadium kaga hortagi doona xulka dhibta badan ee Serbia.

Xulka shanta jeer soo hantay tartanka ayaa diyaar garaw badan ku jira kahor kulanka caawa balse kaliya kama diyaar garoobayaan dhinaca ciyaareed.

Sida uu shaaca ka qaaday garabka Barcelona ee Raphinha, Selecao ayaa sidoo kale diyaar saday ilaa 10 jaas oo kala duwan oo ay ku dabaaldegi doonaan marka ay goolal dhaliyaan.

“Runta haddii aan kuu sheego waxa durba noo diyaarsan jaas ilaa goolka 10-aad” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay xiddigii hore ee Leeds United.

“Waxaanu haysanaa 10 jaas oo noo diyaarsan kulan kasta, mid goolka koowaad ah, mid goolka labaad ah, mid goolka saddexaad ah…haddii aanu 10 gool wax ka badan dhalino kaddib waanu samayn doonaa”.

Brazil ayaa soo xulatay saf weerar ku dhisan iyadoo Raphinha uu kamid yahay sagaalka weeraryahan ee uu tababare Tite u qaatay tartanka.

Dhinaca kale Selecao ayaa arrinta jaaska kaga jawaabaya in Vinicius Jr uu cunsuriyad badan kula kulmay xilli ciyaareedkan marka uu Real Madrid u ciyaarayo qoob ka ciyaarkaasi walow asxaabtiisa Brazil si weyn u difaaceen,

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*