Jurgen Klopp Oo Ka Jawaabay Canaantii Xalay Ee Mohamed Salah

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo bandhigay dareenkiisa cadhada leh kaddib markii uu Mohamed Salah xalay soo qoray farriin canaan ah oo uu ku sheegay in ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarku aanay qabsanin shaqadoodii, taasina keentay inay xilli-ciyaareedka dambe ka  maqnadaan tartanka Champions League.

Manchester Unted ayaa noqotay kooxdii afraad ee Ingiriiska ah ee xaqiijisata in ay ka qayb-gelayso Champions League xilli ciyaareedka dambe, markii ay xalay 4-1 ku karbaashtay Chelsea, waxaanay ku biirtay Man City, Arsenal iyo Newcastle oo hore boosaskooda Yurub usii diyaarsaday.

Mohamed Salah ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxyar kaddib guushii Manchester United waxa uu ku sheegay, in aanay ciyaartoyda Liverpool haysanin wax cudur-daar ah oo ay gudan waayeen shaqadoodii ahayd inay si fiican u dheelaan, isla markaana uu ka niyad-jabsan yahay in ay tartanka Europa League teig doonaan.

Laakiin Jurgen Klopp oo manta la hadlayay saxaafadda ayaa jawaab ka bixiyey hadalkaas, waxaana uu sheegay in uu ka walwalsan yahay cinwaannada laga samayn doono kooxdiisa iyo falcelinta warbaahinta, halka uu ku adkaystay in Mohamed Salah uu kaliya soo bandhigay dareenkiisa iyo sida uu uga murugaysan yahay booska kooxdisu ku dhamaysanayso.

Waxa uu Jurgen Klopp duray warbaahinta oo uu sheegay in ay waxyaabo taban ka gudbin doonaan kooxdiisa oo ay isku dayi doonaan inay dhibaato ku abuuraan, taasina tahay arrinta hadda walaaca ku haysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*