Jamaahiirta Liverpool Oo Faraxsan Saacado Ka Hor Waqtiga Uu Xidhmayo Suuqa Iibka Ciyaartoyda January

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa faraxsan saacado ka hor waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee bisha January, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in kooxdooda Liverpool ay doonayso inay weerar ku qaaddo Chelsea oo ay kasoo qaadanayso kubbad-burburiyaha reer France ee N’Golo Kante.

Jurgen Klopp ayaan marnaba qarinin qorshihiisa ah inuu ciyaartoy khad dhexe ah kusoo kordhiyo kooxdiisa, hase yeeshee dhawr ciyaartoy oo lala xidhiidhinayay ayaanay midkoodna ku guuelsaysanin.

Sida uu qoray wargeyska El Nacional, Liverpool ayaa saacadaha kooban ee ka hadhsan waqtiga uu xidhmayo suuqa iibka ciyaartoyda ee January, waxay dedaal badan gelin doonaan sidii ay ula saxeexan lahaayeen N’Golo Kante oo qandaraaskiisa Chelsea uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

31 jirkan oo kaliya laba ciyaarood u saftay Blues xilli ciyaareedkan, lana daalaa-dhacay dhaawacyo uu kasoo kaban doono dhamaadka bishan, ayaa waxay Liverpool saxeexiisa go’aamisay markii ay Brighton ka reebtay tartanka FA Cup, sidoo kalena ay kaalinta sagaalaad ee horyaalka Premier League u dhaceen.

Chelsea ayaa la sheegay inay isku dayayso inay heshiis cusub ka saxeexdo Kante oo ay sidoo kalena doonayaan Tottenham iyo Arsenal, inkasta oo Gunners ay qaadatay Jorginho oo hadda ay ka baxayaan loollanka Kante, ayaa waxa dhinaca kale indhaha ku haysay Barcelona oo xiise u muujinaysay.

N’Golo Kante ayay Liverpool u aragtaa inuu xallin doono dhibaatada ka haysata khadka dhexe, iyadoo ay qaab-ciyaareedka lumiyeen Fabinho iyo Jordan Henderson oo hoos u dhac weyni uu ku yimid, waxaana uu Kante beddeli doonaa midkood labada ciyaartoy ee ay muddada ku tiirsanayd Reds.

Kante ayay Chelsea sannadkii 2016, waxay £30 milyan oo Gini kaga soo iibsatay Leicester City, waxaanu tan iyo waqtigaas u saftay 262 ciyaarood isaga oo kula guuleystay Premier League, FA Cup, Europa League, Champions League  iyo Club World Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*