“Iyaga Ayaan U Ciyaari Doonaa…” Youri Tielemans Oo Ku Wargeliyey Ciyaartoyda Leicester City Inuu Ka Tegayo Kooxda Xagaagan Iyo Kooxda Uu Kusii Jeedo

Kubbad-sameeyaha Leicester City ee Youri Tielemans ayaa u sheegay ciyaartoyda ay isku kooxda yihiin in uu xagaaga foodda inagu soo haya uu ka tegi doono King Power Stadium, isla markaana uu ku biiri doono koox kale, si uu ugu tartami karo koobab waaweyn.

24 jirkan oo sannadkii 2019kii ay Leicester City kasoo iibsatay AS Monaco ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan horyaalka Premier League ee ka ciyaara khadka dhexe, waxaana uu kooxo badan oo waaweyn kusoo jiitay ciyaartiisa joogtada ah ee aan marna is-dhimin.

Youri Tielemans oo aad loogu yaqaano awooddiisa farsamo, cidhiidhiga uu geliyo difaaca kooxaha kasoo horjeeda iyo awooddiisa baas-bixinta ee heerka sare ah ayaa waxa si dhow ula socda kooxaha Manchester United, Tottenham iyo Arsenal, laakiin kooxdii ugu dambaysay ee la sheego inay ugu dhowdahay saxeexiisa ayaa ah Real Madrid, iyadoo ay sidoo kale meesha ku jirto Liverpool.

Sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Sacha Tavolieri, tababaraha Real Madrid  ee Carlo Ancelotti oo doonaya inuu dib u xoojin ku sameeyo khadka dhexe ee kooxdiisa, ayaa waxa uu bartilmaameedka dhigan doonaa Youri Tielemans oo uu xagaaga isku dayi doono inuu keeno Bernabeu.

Saddexdii sannadood ee uu joogay King Power Stadium, Youri Tielemans ayaa ayaa u saftay 152 ciyaarood oo dhamaan tartamada  ah, waxaana uu ku darsadayy 36 gool oo iskugu jira kuwo uu dhaliyey iyo kuwo uu caawiyey.

Xilli ciyaareedkii hore ayuu dhaliyey goolkii ay kooxdiisu FA Cup-ka kaga qaadday Chelsea ciyaartii finalka ee Wembley Stadium.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*