Iskuma Heli Kartaan Mbappe-Vinicius-Haaland! Pep Guardiola Oo Iclaamiyey Dagaal Uu Kaga Hor Tegayo In Real Madrid Hesho Weerarka Ugu Halista Badan Dunida

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ka dagaallamaysa in Real Madrid ay isku hesho weeraryahannada Kylian Mbappe oo la sheegayo inay xagaaga si bilash ah ugala soo wareegayo PSG iyo xiddiga reer Brazil ee Vinicius Junior oo xilli ciyaareedkan wacdaro ka dhigaya Santiago Bernabeu iyo Erling Haaland oo la filayo inuu ka tago Borussia Dortmund isla markaana kooxo badan oo ay ku jirto Real Madrid ay raadinayaan.

Pep Guardiola ayaa lagu soo warramayaa in uu ka shaqaynayo in Manchester City ay qaaddo tallaabo kasta oo ay kaga hor tegayso in Bernabeu ay ku midoobaan Mbappe, Vinicius iyo Haaland, isaga oo samaynaya laba isku-day oo uu laba ciyaartoy ugaga gacan haadinayo.

Man City ayaa uu qorshaheeda koowaad yahay inay ka shaqayso sidii ay Erling Braut Haaland ugaga guuleysan lahayd Real Madrid, xilli uu laacibkani warbaahinta u sheegay in mustaqbalkiisa si degdeg ah loo go’aamin doono.

Arrinta labaad ee Man City ay samaynayso ayaa waxay tahay inay weerar ku qaaddo Real Madrid oo ay dhaqaale iyo lacag kaga soo qaadato Vinicius Junior oo ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaharka yar Los Blancos.

Sida uu qoray wargeyska El Nacional, Man City ayaa waxay dareenkeeda u jeedin doonaa Vinicius Junior haddii ay ku adkaato inay helaan Erling Haaland.

21 jirka reer Brazil ayaa xilli ciyaareedkan ay kubaddiisu u muuqataa mid qaan-gaadhay, waxaana 27 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay uu dhaliyey 15 gool iyo sagaal kale oo uu caawiye ka noqday, taas oo ka dhigan inuu ku lug yeeshay 24 gool oo ay kooxdiisu dhalisay.

Heshiiska uu Vinicius Junior kula jiro Real Madrid ayaa waxa ka  hadhsan laba sannadood iyo badh, waxaase la filayaa inay kooxdiisu wada-hadallo la furto oo heshiis cusub uu saxeexo, isla markaana mushaharkiisa sare loo qaado.

Real Madrid ayaa Vinicius Junior waxay sannadkii 2018 kasoo iibsatay kooxda reer Brazil ee Flamengo, waxaana 145 kulan oo uu u saftay uu u dhaliyey 29 gool iyo 32 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*