Iska Illow Thomas Partey – Mikel Arteta Oo Lagu Wargeliyey Xiddig Kale Oo Uu Dhaawaciisa Ka Naxay

Arsenal ayaa diiwaangelisay laba dhaawac oo ka nixiyey tababare Mikel Arteta saacado kooban gudahood, waxaana iyadoo Gunners ka walaacsan xaaladda xiddiga ay ku ducaysanaysay in uu badqabka u ahaado ee Thomas Partey lagu wargeliyey in sidoo kale uu ka dhaawacmay ciyaartoy kale oo muhiim ah.

Kulankii saaxiibtinimo ee xulalka Brazil iyo Ghana ee Jimcihii waxa Arsenal kaga dhaawacmay laacibka khadka dhexe ee Thomas Partey oo dhowaan kasoo laabtay dhaawac uu usbuucyo ku maqnaa, balse illaa hadda aan si dhab ah loo xaqiijinin muddada uu maqnaan doono, balse la hubo in haddii uu kulamo seego ay kooxdu u dhutin doonto.

Iyadoo walwalkaas hore jiray, ayaa waxa haddana lagu wargeliyey Arsenal in xulka qaranka Japan laga saaray difaaca midig ee Takehiro Tomiyasuoo uu dhaawac soo gaadhay, waxaana war-saxaafadeed uu soo saaray xidhiidhka kubadda cagta Japan lagu sheegay in laacibkani uu la daalaa-dhacayo dhaawacyo iyo dhibaatooyin taam ahaanshihiisa waxyeelaya, sidaasna looga reebay xulka.

Takehiro Tomiyasu oo hore loogu daray liiska xulka qaranka Japan ee kulanka saaxiibtinimo ee Ecuador ee Salaasada, ayaa waxa hadda uu xidhiidhka dalkaasi shaaciyey in laga saaray gebi ahaanba xulka oo aanu taam u noqon karaynin, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Jimcihii ay xulka qaranka Maraykanka 2-0 ku garaaceen.

Difaacan midig ayaa dhamaystay ciyaartii Maraykanka iyo Japan, hase yeeshee waxa war-saxaafadeed kooban oo uu xidhiidhka Japan soo saaray lagu sheegay, in aanu Takehiro Tomiyasu taam u noqonayn kulanka Ecuador ee September 27, sidaas darteedna laga fasaxay xulka oo uu dib ugu laabanayo kooxdiisa Arsenal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*