Iska Illow Mbappe & Van Dijk: Karim Benzema Oo Magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Ee Uu Ka Garab Ciyaaray Iyo Difaacii Ugu Adkaa Ee Uu Ka Hor Tegay

Karim Benzema ayaa magacaabay xiddigii ugu fiicnaa ee  uu abid ka garab ciyaaro intii uu ku jiray garoomada kubadda cagta iyo sidoo kale difaacii ugu adkaa ee uu ka hor tegay, xilli uu waraysi siinayay barta YouTube-ka ee warbaahinta Spain ee Chiringuito.

Benzema ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu fiicnaa ku jira, waxaanu hadda isku diyaarinayaa ciyaartii ugu dambaysay oo ah finalka Champions League oo ay Liverpool la ciyaarayaan Sabtida, taas oo haddii ay ku guuleystaan ay u noqon doonto xilli ciyaareedkii ay kooxdani ugu guulaha badnayd.

45 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu saftay ayuu dhaliyey 44 gool iyo 14 kale oo uu caawiye ka noqday, waxaana haddii uu Champions League ku guuleysto ay u noqon doontaa koobkii shanaad ee Champions League ah ee uu ku guuleysto, taas oo haddii ay dhacdo aanay cidina ku qabsan doonin abaal-marinta xiddiga sannadka ee Ballon d’Or.

34 jirkan ayaa intii uu garoomada kusoo jiray waxa uu ka garab ciyaaray laacibiin badan, iyadoo waqtigii uu joogay Lyon uu rafiiq la ahaa halyeygii Brazil ee Juninho oo kabtan ka ahaa kooxdaas, halka Real Madrid na ay ciyaartooyo badan oo heer-caalami ah ay isku heleen 13kii sannadood ee uu joogay.

Waxa uu sidoo kale ka hor tegay difaacyahanno badan oo wanaagsan maadaama ay kooxdiisu si joogto ah ugu dagaallamaysay dhamaan tartamada, sida Champions League oo ay kooxaha waaweyn ee Yurub intooda badan iskaga hor yimaaddeen, waxaana sidaas oo kale uu ku ahaa Lyon oo iyaduna sannadihii uu joogay si xidhiidh ah ugu guuleysanaysay horyaalka Ligue 1, isla markaana Champions League wacdaro ka dhigi jirtay.

Benzema oo la su’aalay ciyaartoygii ugu fiicnaa ee ay iska garab ciyaareen ayaa markiiba lasoo booday Cristiano Ronaldo oo ay Santiago Bernabeu kusoo wada qaateen muddo sagaal sannadood ah oo ay ku wada guuleysteen afar Champions League iyo koobab kale oo maxalli iyo heer caalami ah oo badan.

“Ciyaartoygii ugu wanaagsanaa abid ee aan ka garab ciyaaray? Cristiano.” Ayuu si kooban u yidhi Karim Benzema.

Waxa sidoo kale la weydiiyey difaacii ugu adkaa ee uu ka hor tegay, waxaanau ku jawaabay: “Difaacii ugu adkaa ee aan ka hor tegay? Sergio Ramos.”

Inkasta oo ay isku koox ahaayeen Benzema iyo Ramos haddana waqtigii uu weeraryahanka reer France joogay Lyon ayay marar badan iska hor yimaaddeen, halka labada xul ee Faransiiska iyo Spain ay sidoo kale iskaga hor yimaaddeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*