Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa cafis weydiistay mid ka mid ah ciyaartoyda kooxdiisa oo uu kursiga kaydka ku illoobay xilli ciyaareedkii tegay, inkasta oo kulamadii ugu dambeeyey oo uu kasoo laabtay dhaawac uu kasoo muuqday safka kooxdaas.
Real Madrid oo ku guuleysatay Champions League, LaLiga iyo Spanish Super Cup ayaa waxay dheeshay kulamo badan, hase yeeshee Carlo Ancelotti ayaa kalsoonidiisa siiyey ciyaartoyda sida joogtada ah uga soo muuqanayay ee Benzema, Vinicius, Modric, Kroos, Casemiro, Carvajal, Militao, Alaba iyo Mendy, halka ciyaartoyda kalena ay iskugu jireen kuwada qaarkood ciyaaray, kuwo beddel ku yimid iyo kuwo kursiga kaydka ku caajisay oo ay fursaddoodu yarayd.
Waxa kale oo jiray kuwo dhaawacyo ragaadiyeen oo uu ku jiray Gareth Bale oo daqiiqado kooban ku lahaa xilli ciyaareedkii tegay, sidoo kalena aan qayb ka ahayn ciyaartoydii kulankii horyaalka LaLiga ay ugu guuleysteen oo uu dhaawac u jiifay gurigiisa.
Marcelo ayaa isagana lagu sii sagootiyey saddexdan koob oo isaga oo ah tababare u qaaday Real Madrid inkasta oo uu waqtiga ugu badan kursiga kaydka fadhiyey.
Laacibka khadka dhexe ee Dani Ceballos oo xagaagii tegay kasoo laabtay amaah uu ku joogay Arsenal, ayaa waxa ku habsaday dhaawacyo uu muddo dheer u jiifay, balse markii uu soo kacay ayaanu helin fursaddii uu doonayay.
Carlo Ancelotti ayaa qirtay in uu laacibkan ku qaldamay, waxaanu siiyey raalligelin maadaama aanu siinin fursadihii looga baahnaa.
Ceballos oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Tababaruhu wuxuu i weydiistay in aan cafiyo sababtoo ah ma aanan ciyaarin daqiiqadihii ay ahayd in aan dheelo, taasna waan uga mahad-celinayaa tababaraha.”
Waxa la su’aalay Ceballos mustaqbalkiisa Real Madrid maadaama la sheegayo inay suurtogal tahay inuu ka tago kooxda xagagan, waxaanu ku jawaabay: “Marka aanu tababarka bilowno July 8, ayaynu arki doonaa. Waan la hadli doonaa tababaraha, waxaanaynu arki doonaa wax uu doonayo, kaddibna ayaynu go’aan ka gaadhi doonaa mustaqbalka.”
Be the first to comment