Isbeddelka Weyn Ee Ku Dhacaya Chelsea 72ka Saacadood Ee Soo Socda

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa yeelanaysa weerar awooddiisu sarrayso oo kasii wanaagsan sidii uu ahaa xilli ciyaareedkii tegay, kaddib markii ay laba ciyaartoy oo waaweyn gacanta ku dhigeen.

72ka saacadood ee soo socda ayaa Chelsea u ah waqtigii ugu muhiimsanaa suuqa iibka ciyaartoydan, waxaanay dhamaystiri doonaan saxeexyada laba xiddig oo ay kooxo badan kaga guuleysteen.

Mulkiilaha cusub ee Chelsea ee Todd Boehly ayaa saxeexiisa koowaad ee intii uu la wareegay naadigan waxa uu ka dhiganayaa xiddiga reer Brazil ee Raphinha oo ay Leeds United kala soo wareegayaan kaddib markii ay ka heshiiyeen qiimaha iibka, balse ay hadhsan yihiin waxyaabo yaryar oo aan badnayn oo ah mushaharka laacibkan iyo tirada sannadaha uu saxeexayo.

Raphinha oo ayay Chelsea ku garaacday kooxo ay ka mid yihiin Arsenal, Barcelona, Liverpool iyo xataa Manchester United oo danaynaysay, iyada oo kasoo bixinaysa £55 milyan oo Gini.

Sidoo kale, waxa uu tababare Thomas Tuchel sugayaa kaliya inta la shaacinayo heshiiska  ay kooxdiisu la gaadhay weeraryahanka Manchester City iyo xulka qaranka England ee Raheem Sterling oo isagana ay ku dhowaad £50 milyan oo Gini kula soo wareegayaan.

Sterling ayay da’diisu tahay 27 jir, halka Raphinha uu ka yahay 25 jir, waxaanay taasi ka dhigan tahay in labadan laacib ay muddo dheer ka dagaallami karayaan Stamford Bridge.

Dhinaca kale, subaxnimadii hore ee saaka waxa magaalada Milano ka degay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo heshiis amaah ah ugu wareegaya Inter Milan, isla maarkaana tijaabada caafimaadka mari doona maanta.

Thomas Tuchel ayaa hadda afka hore ee kooxdiisa waxa uu ku haystaan Kai Havertz oo la filayo inuu weerarka  dhexe kusoo bilowdo, halka  labada garab ee midig iyo bidix ee weerarka  ay ka caawin doonaan Raheem Sterling iyo Raphinha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*