Isbeddelka Ku Dhacay Real Madrid Kaddib Imaatinka Tchouameni Iyo Rudiger

Marka laga yimaaddo ciyaartoyda magacyada waaweyn ee ka tagtay xagaagan, iyo weeraryahan waqti dambe la filayo inuu yimaaddo oo beddel u noqda Karim Benzema, Real Madrid si buuxda u dhamaystiray oo u dhistay kooxdeeda ay ku dagaallamayso xilli ciyaareedka 2022/23.

Qorshaha Carlo Ancelotti ee suuqan ayaa si buuxda u hirgalay kaddib markii ay xaqiijisteen saxeexyada Aurelien Tchouameni iyo Antonio Rudiger, kuwaas oo kusoo biiraya liiska ciyaartoyda muruqyada waaweyn ee awoodda jidheed isticmaala.

Los Blancos ayaa hore u haysatay ciyaartooyo ay filayso in muddo sannado ah ay kooxda usii ciyaari doonaan oo tayadoodu sarrayso, kuwaas oo difaaca, khadka dhexe iyo garbaha weerarka ah, sida Fede Valverde, Edouardo Camavinga, Vinicius Junior, Ferland Mendy, Eder Militao iyo David Alaba.

Sawirka guud ee Real Madrid oo ay kasoo muuqanayaan tiradii ugu badnayd ee ciyaartooyo midabkoodu asal ahaan madow yahay, waxa xagaagii hore kusoo kordhay Camavinga oo ah khad dhexe oo gool illaa gool aan istaaganyn, sidoo kalena difaacis iyo kubbad-samayn ba leh.

David Alba ayaa ahaa hoggaamiye si degdeg ah ku saldhigay Santiago Bernabeu markii uu xagaagii hore si xor ah ugaga soo wareegay Bayern Munich, waxaana cajiib ah in uu buuxiyo boos kasta oo looga baahdo, sida difaaca dhexe, difaaca bidix iyo khadka dhexeba.

Vinicius Junior ayaa ah tusaalaha ugu wanaagsan ee mustaqbalka Real Madrid, kaddib markii uu bandhig cajiib ah sameeyey xilli ciyaareedkii tegay, iyadoo uu doorka ugu muhiimsan ka ciyaaray guushii kooxda.

Valverde ayaa sidoo kale ahaa ciyaartoy shaqo heersare ah qabtay, isaga oo khadka dhexe kusoo kordhiyey tamar badan oo caawisay Casemiro, halka Toni Kroos iyo Modric oo awooddooda jidheed aan adeegsanin ay iyaguna ku kabeen khibrad iyo tayada dabiiciga ah ee bandhigga kubadda.

Tchouameni iyo Rudiger ayay saxeexayadoodu sidoo kale dardar cusub kusoo kordhinayaan kooxda, gaar ahaan Tchouameni oo uu dhererkiisu yahay 1.87 cm, waxa uu noqon doonaa beddelka Casemiro iyo xoog la adeegsado mar kasta oo loobaahan yahay, kaas oo leh gool-dhalin, baas-bixin iyo kubbad-burburin.

Antonio Rudiger ayaa isaguna dhamaystiri doona qorshaha difaaca dhexe ee Carlo Ancelotti, waxaanu ka garab ciyaari doonaa Eder Militao halka David Alaba uu isaguna difaaca bidix ka riixan doono Ferland Mendy.

Afarta difaac ayay saddex ka mid ahi noqon doonaan madow, halka khadka dhexena ay saddex ciyaartoy oo midabkoodu madow yahay ku jiraan. Labada garab ee weerarka ee ay kala saaran yihiin Vinicius Junior iyo Rodrygo ayaa iyaguna ah ciyaartooyo madow ah.

Ka sokow in ay kooxdu u badatay madow, haddana waxa uu Carlo Ancelotti xoojiyey safkiisa oo boos  walba  ka dheeli-tirnaanaya marka laga reebo weerarka oo ay u baahan yihiin ciyaartoy tayadiisu sarrayso oo soo labeeye Benzema.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*