“Isagu Waa Ciyaartoy Kibir Badan, Faan Badan Oo Isku Haysta Inuu Yahay Xiddiga Ugu Wanaagsan”

Ciyaartoygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Walter Casagrande ayaa eedaymo u jeediyey xiddigaha Paris Saint-Germain ee Neymar Jr iyo Kylian Mbappe, kuwaas oo uu u dhexeeyo khilaaf weyyn oo si cad bannaanka ugu soo baxay Sabtidii, waxaana uu sidoo kale Walter Casagrande ku tilmaamay Neymar Jr inuu leeyahay dhaqan khiyaano ah.

Kylian Mbappe iyo Neymar ayaa rikoodhe isku qabsaday Sabtidii kulankii ay kooxdoodu 5-2 ku karbaashtay Montpellier. Mbappe ayaa bilowgii ciyaarta rikoodhe laga qabtay, mid labaad oo loo dhigay oo uu kubadda soo qaatay Neymar ayaa uu haddana mar  kale damcay inuu isagu qaato, waxaanu u tegay Neymar oo kubadda hagaajisanaya oo uu weydiistay tuurashada rikoodhaha, laakiin Neymar ayaa  diiday.

Difaaca reer Spain ee Sergio Ramos ayaa mar ay labada ciyaartoy dhexdhexaadiyey oo kala kaxeeyey xilli ay murmayeen, waxaana la rumaysan yahay in uu noqday nabad-doon dhexdooda ku jira  oo isku dayaya inuu heshiisiiyo, inkasta oo illaa hadda aan la  sheegin inay wax isbeddaleen.

Casagrande oo falanqeeye ka ah UOL, ayaa waxa uu Neymar ku eedeeyey in uu yahay ciyaartoy kibir badan oo faan badan, taasina ay qayb ka tahay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Mbappe, waxaanu yidhi: ‘Aniga aragtidayda, layaab ma aha in mushkilad  ka timaaddo xidhiidhka saaxiibtinimo ee ciyaaartoyda PSG. Neymar wuu kharribnaa sannadkii hore, taageereyaashuna  ma aanay doonayn, PSG na ma aanay doonayn Neymar. Mbappe kaliya waxa uu usii joogay in uu helayo awoodo badan. Neymar na waa sidaas oo kale, waliba waa mid kibir badan oo faan badan oo isku haysta inuu yahay kan ugu fiican.”

Walter Casagrande oo u ciyaari jiraykooxda Corinthians ee ka dhisan Brazil ayaa waxa kale oo uu ka sheekeeyey khiyaanooyinka Neymar, waxaanu yidhi: “Neymar marka uu liito, waa uu is gaabiyaa. Marka uu ciyaaro fiican soo bandhigana baalasha ayuu fidsadaa. Waxa kasii daran, waxa uu ‘LIKE’ saaray faallo baraha bulshada ah oo laga bixiyey Mbappe, sababtuna  waxay ahayd rikoodhihii ay isku qabsadeen. Waxay ila tahay, Neymar ayaa  rikoodheyaasha kaga wanaagsan Mbappe. Labadooduba way isla weyn yihiin laakiin Neymar waxa uu leeyahay dhaqan khiyaano ah marka loo eego Mbappe.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*