Ingiriiska Oo Loo Sheegay Inay Shaqada Ka Caydhiyaan Gareth Southgate Ka Hor Koobka Adduunka – Yaa Lagu Beddelayaa?

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa laga dalbaday in ay shaqada ka caydhiyaan tababare Gareth Southgate ka hor inta aan la gaadhin Koobka Adduunka oo ay magacaabaan tababare kale oo xulka ka dhigi karaya mid tartami karaya.

Xulka qaranka England ayaa xalay guul-darro 1-0 ah kala kulmay Talyaaniga kulan ka dhacay magaalada Milan oo ka tirsanaa UEFA Nations League, taas oo ka dhigtay Ingiriiska dalka ugu hooseeya Group-kiisa iyaga oo laba dhibcood oo kaliya ka haysta shan kulan oo ay ciyaareen.

Gareth Southgate ayaa lagu dhaliilay qaabka xulashada ciyaaartoydiisa, kaddib markii uu kursiga kaydka dhigayo Fikayo Tomori iyaga oo la ciyaaraya Talyaaniga oo uu aqoon fiican u leeyahay inta badan weeraryahannadiisa maadaama uu u dheelo AC Milan.

Taageereyaasha xulka qaranka England ayaa baraha bulshada farriin ugu diray xidhiidhka dalkooda kaddib guul-darradan, waxaanay ka dalbadeen in ay shaqada ka caydhiyaan Gareth Southgate oo 52 jir, waxaanay beddelkiisa u doorteen Mauricio Pochettino oo ay sheegeen in uu yahay macallin dib u dhisi karaya xulka oo ciyaartoyda loo baahan yahayna xulanaya.

Mauricio Pochettino oo u dhashay waddanka Argentina ayaan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii ay Paris Saint-Germain shaqada ka caydhisay, waxaana lala xidhiidhinayaa shaqooyin kale oo horyaalka Premier League ah, hase yeeshee dadka qaarkood ayaa rumaysan in ay macquul tahay in uu soo dhoweeyo in uu xulka Ingiriiska ku hoggaamiyo waddanka Qatar ee bisha November uu ka bilaabmayo Koobka Adduunku.

50 jirkana ayaan wali soo qabanin shaqooyin dhinaca xulalka ah, waxaana uu ku koobnaa naadiiyada inkasta oo uu si fiican u garanayo kubadda Ingiriiska oo uu soo layliyey kooxaha Southampton iyo Tottenham.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*