Immisa Lacag Ah Ayey Real Madrid Ku Helaysaa Ku Guuleysiga Horyaalka LaLiga?

Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka LaLiga ee xilli ciyaareedka 2021/22, waana markii 35aad ee ay koobkan qaado, laakiin waxa la isweydiinayaa qiimaha lacageed ee uu koobkaasi ku fadhiyo ee sababtay in sidaa weyn ay Rela Madrid ugu dabbaal-degto.

Si ka duwan Champions League ayaa horyaallada loola macaamilaa, koox walbaana kuma hesho lacago badan kasoo qayb-galkiisa amaba boosaska ay ka gasho, halka Champions League uu yahay uu isagu ka beddelan yahay oo koox walba oo kasoo qayb-gasha, kulan walba oo ay ciyaarto iyo heerka ay soo gaadho ay lacagaha ku helaan.

Horyaalka waddanka Spain ee LaLiga oo ay ku dagaallamaan 20 kooxood, waxa uu inta badan xambaarsan yahay sharaf iyo sumcad ay koouhu ku helaan marka loo eego amaba la barbar-dhigo abaal-marinta lacageed.

Imisa lacag ah ayuu horyaalka LaLiga Siinayaa Real Madrid?

Ma jirto lacag si toos ah la iskugu siiyo hanashada horyaalka LaLiga, laakiin haddana ku guuleysigiisu waxa uu leeyahay abaal-marino kale oo dhaqaale. Sharciga LaLiga ma dhigayo in kooxda ku guuleysata la siiyo lacago toos ah, laakiin laga soo bilaabo xilli ciyaareedkii 2015-16 waxa kooxda ku guuleysata horyaalka loo asteeyey inay noqoto kooxda dhaqaalaha ugu badan ka hesha xuquuqda baahinta.

20ka kooxood ayaa lacagaha xuquuqda baahinta waxa loogu qaybiyaa kaalmaha ay ku dhamaystaan, taas oo ka dhigan in Real Madrid ay tahay kooxda lacagta ugu badan ka helay baahinta telefishannada. Waxa intaa u dheer, in 7.5% oo ah laacagta baahinta ay ku helayso ka qayb-galka Champions League, lacagtaasna waxa siinaya horyaalka LaLiga.

Qiyaasta ay telefishannadu sameeyeen, Real Madrid waxay koobka ay ku guuleysatay ku heli doontaa €66 milyan oo Euro, taas oo ah lacagta ka imanaysa dhinaca baahinta.

ku dhowaad €1.4 bilyan oo Euro ayaa ka imanaysa baahinta telefishannada, waxaana 50% lacagtaas loo qaybiyaa kooxaha, halka 25% loo isticmaalo mashaariico horumarinta ciyaaraha iyo waxyaabo kale oo la xidhiidha taageerada bulshada, caawinta garoomada iwm. 25% ee soo hadhay waxa naadiyada loogu qaybiyaa boosaska ay kala galeen, taas oo 17% ay leedahay kooxda ku guuleysata horyaalku, waana ku dhowaad €66 milyan oo Euro oo ay helayso Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*