“Ilaahay Haka Baryo In Aanan Meel Ka Helin” – Feedhyahanka Weyn Ee Ree Mexico Oo U Hanjabay Messi & Waxa Uu Ka Xanaaqay

Ninka dhawrka jeer kusoo guuleystay abaalmarinta feedhyahanka aduunka ee ree Mexico ee Canelo Alvarez ayaa farriin handadaad ah u diray kabtanka xulka Argentina ee Lionel Messi.

Messi ayaa qaab ciyaareed heer sarre ah soo bandhigay habeen hore kulankii xulkiisu guusha 2-0 ah ka gaadhay Mexico isagoo goolna dhaliyay midna caawiyay.

Kulanka kaddib ayuu soo baxay oo waliba baahay muuqaalka Messi oo maaliyada xulka Mexico oo qolka labiska Argentina taala ku istaagaya.

Muuqaalkaas oo hadal hayn iyo cadho badan ka dhaliyay baraha bulshada ayaa ugu dambayn gaadhay feedhyahan Canelo Alvarez.

Alvarez oo qoraalo dhawr ah bartiisa Twitter-ka soo dhigay ayaa yidhi “Ma aragteen Messi oo dhulka ku nadiifinaya garankeena iyo calankeena? Ilaahay haka baryo in aanan helin (Isaga)”

“Si lamid ah sida aan Argentina u ixtiraamo isaguna ha u ixtiraamo Mexico. Anigu kama hadlayo dalka (Argentina) oo dhan, kaliya waxaan ka hadlayaa waxa xun ee Messi sameeyay”.

Marka la eego in Messi uusan ahayn nin dhibaato oo murano badan soo dhaliyay waayihiisa ciyaareed ayaa loo fasiran karaa muuqaalka inuu isku dayayay inuu kabaha iska saaro balse uu hoos yaalay garanka Mexico.

Boxer Canelo Alvarez threatens Lionel Messi, claims Mexico shirt disrespected in dressing room

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*