“Ilaahay Ayaa Farxad Igu Galladay” – Saka Oo Sharraxay Macnaha Uu Xambaarsan Yahay Magaciisa ‘Bukayo’

Xiddiga Arsenal ee Bukayo Saka ayaa daboolka ka qaaday macnaha ka dambeeya magaciisa, gaar ahaan ‘Bukayo’, iyo waliba halka uu asal ahaan kasoo jeedo magacani.

Saka oo ay da’diisu tahay 21 jir, ayaa xilli ciyaareedkan bandhig heersare ah ka samaynaya¬† horyaalka Premier League, waxaana uu kooxdiisa ka caawiyey inay hoggaanka ku hayso shan dhibcood oo nadiif ah.

Kulankii Manchester United ee Axaddii ayuu dhaliyey gool qurux badan oo uu meel fog ka toogtay, iyadoo 19 kulan oo Premier League ah uu toddoba jeer shabaqa soo taabtay, toddoba kalena caawiyey, waana ciyaartoyga afraad ee horyaalka Premier League ugu badan ku lug-yeelashada goolasha, waxaana uu ku xigaa Erling Haaland, Harry Kane iyo Ivan Toney.

Saka oo ku jira farxadda bandhiggiisa wanaagsan iyo hoggaanka ay kooxdiisu ku naaloonayso, ayaa waxa uu waraysi siiyey wargeyska GQ Magazine, waxaana la weydiiyey macnaha magaciisa Bukayo, waxaanu ku jawaabay: “Ayeeyday hooyo ayaa ii bixisay magaca Bukayo, sababtoo ah way igu farxeen. Macnaha magacaygu waa ‘Illaahay ayaa noloshayda ku galladay farxad.’ Waxay doonaysay in qoyska ay farxad kusoo korodho, sidaas ayaanay iigu bixisay… Mar walba oo ay ii yeedhyo, waxay i dareensiisaa qiimaha aan u leeyahay.”

Bukayo Saka oo kasoo baxay kulliyadda da’yarta Arsenal, ayaa waxa qandaraaskiisa Emirates Stadium ka hadhsan 18 bilood oo kaliya, waxayse kooxdu heshiis cusub la meel-dhigtay horraantii bishan aynu ku jirno, inkasta oo aanay wali meesha ka bixin hadal-haynta mustaqbalkiisau.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*