Ii Keena!! – Tuchel Oo Maamulka Chelsea Si Gaar Ah Uga Codsaday Saxeexa Xiddig Tottenham Iyo Arsenal Doonayeen

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel ayay wararkii ugu dambeeyay sheegayaan inuu doonayo inay kooxaha London kala dhisan ee Tottenham iyo Arsenal kula loolamaan saxeexa garabka Everton ee Richarlison.

Everton oo doonaysa wax ka badan 50 Milyan oo pound ayaa diyaar u ah in haddii ay qiimaha rabitaankeeda ah helayso ay dhagaysato xiisaha u imanaya Richarlison.

Tottenham ayaa aad u xiisaynaysa saxeexa Richarlison waxaana loo arkaa kooxda inta ugu badan doonaysa ee xiisaha ugu weyn u muujisay, Arsenal ayaa sidoo kale xiisaheeda diiwaan gashatay.

Richarlison ayaa si lamid ah Raheem Sterling si joogto ah uga soo muuqday liiska bartilmaameedyada Blues. 25 sano jirkaas ayaa hubaal xiisaynaya inuu qudhiisu u wareego Stamford Bridge maadaama oo ay siin doonto fursada uu Champions League kaga ciyaarayo.

Isbedelada uu Tuchel ku samaynayo weerarkiisa ayaa la filayaa inay sidoo kale dhaliso in weeraryahanka lacagta rekoodhka ah ugu soo biiray ee Romelu Lukaku uu ku laabto Inter Milan xilli ciyaareed kaddib markii uu 115 Milyan ee euro ugu soo biiray.

Xiddig kale oo ay Chelsea aad u xiisaynayso saxeexiisa xagaagan ayaa ah Sterling oo heshiiskiisa Manchester City hal xilli ciyaareed ka hadhsan yahay.

Ugu dambayn, xiisahii Blues ee Ousmane Dembele oo heshiiskiisa Barcelona dhacayo ayaa u muuqda mid qaboobay maalmihii ugu dambeeyay.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*