Hubka Qarsoon Ee Jurgen Klopp Uu Isticmaali Doono Finalka Champions League Ee Real Madrid vs Liverpool

Tababare Jurgen Klopp ayaa amaanay ciyaartoyda kooxdiisa kaddib guushii 2-1 ahayd ee ay Salaasadii ka gaadheen Southampton, taas oo uu soo safay ciyaartoyda inta badan kaydka ku jirtay isla markaana sagaal isbeddel ku sameeyey safkiisa.

Klopp ayaa go’aansaday in uu nasiyo inta badan ciyaartoydiisa maadaama ay Sabtidii ciyaareen 120 daqiiqadood oo finalka FA Cup ah, taas keentay in uu nasiyo si aanay u gelin khatar maadama ay Axadda ciyaarayaan kulankooda ugu dambeeya horyaalka, usbuuc kaddibna finalka Champions League.

“Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay bandhigga kooxda, runta haddii aan sheegana qalbiga ayay i taabteen. Si fiican ayay wiilashu u shaqeeyeen. Waxay ka dhignaayeen sidii baabuur Ferrari ah oo geerashka ku jira oo aad dibedda usoo saartay oo si toos ah tartan u galay.” Ayuu yidhi Klopp.

Waxa uu kusii daray: “Ma xasuusto markii u dambaysay ee uu ciyaaro Harvey Elliott, Curtis Jones ma aanu ciyaarin waqti badan, Takumi Minamimo waa dembi in aanu waqti badan ciyaarin.

“Run ahaantii way adkaayeen wiilashan, laakiin wax kasta oo sannadkan dhacay waxay ku dhaceen sababta kooxdan cajiibk ah, mar kale ayaanay muujiyeen.”

Waxa kale oo uu Jurgen Klopp ka hadlay dhaawacyada Mohamed Salah, Virgil van Dijk iyo Fabinho, waxaanu sheegay in saddexdaba uu rajaynayo inay ciyaaraan finalka Champions League ee May 28 ay kula ballansan yihiin Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*