Xulka Spain ee uu hormoodka u yahay macalin Luis Enrique ayaa caawa bilaabanaya koobka aduunka iyagoo kulankooda furitaanka imtaxaan ku mari doona xulka Costa Rica.
Enrique ayaa sanadkan soo xushay saf da’yar u badan sida Ansu Fati, Nico Williams, Alejandro Balde, Yeremy Pino iyo Hugo Guillamon isagoo kasoo tagay xiddigo khubaro ah sida Sergio Ramos, David De Gea, Thiago Alcantara iyo Kepa Arrizabalaga.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Shaxda suurogalka ah ee Enrique kusoo shirtagi karo ayay lix xiddig oo Barcelona ahi asaasi ka noqon karaan, daafaca dhexe ayay kasoo wada muuqan karaan Aymeric Laporte iyo Pau Torres oo Eric Garcia kasoo horreynaya.
Carvajal iyo Jordi Alba oo khubaro ah ayaa labada garab daafac dheeli kara iyadoo saddexleyda khadka dhexe ku midoobayaan xiddigaha Barca ee Sergio Busquets, Pedri iyo Gavi.
Alvaro Morata ayaa weerarka dhexe ka dheeli kara isagoo garbaha caawimo kaga helaya Ansu Fati iyo Ferran Torres.
Costa Rica ayaa wadata xiddigo waaweyn oo safkeeda kasoo muuqday sida goolhaye Keylor Navas, kabtan Bryan Ruiz iyo Joel Campell.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Spain (4-3-3): Simon; Carvajal, Laporte, P. Torres, Alba; Gavi, Busquets, Pedri; Fati, Morata, F. Torres
Costa Rica (4-3-3): Navas; Oviedo, Calvo, Duarte, C. Martinez; G. Torres, Ruiz, Borges; Campbell, Contreras, Bennette
Xogta Kulanka
Tartanka: koobka aduunka 2022
Garoonka: Al Thumama Stadium
Wakhtiga: 7:00 fiidnimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Mohamed Abdulla Mohamed (United Arab Emirates)
Be the first to comment