Hordhac: Real Madrid vs Athletic Bilbao – Finalka Spanish Super Cup, Ancelotti Oo Koobkiisii Koowaad U Dagaallamaya, Xiddigaha Maqan Iyo Shaxda Uu Ku Dagaallamayo

Real Madrid iyo Athletic Bilbao ayaa uu midkood caawa ku guuleysan doonaa tartanka Spanish Super Cup oo lagu qabanayo waddanka Sucuudiga, kaddib markii ay soo kala garaaceen Barcelona iyo Atletico Madrid.

Los Blancos waxay semi-finalkii guul 3-2 ah ka gaadhay Barcelona ciyar waqti dheeraad ah lagu daray oo laba jeer laga daba yimid goolal ay la hormareen balse waqti dambe uu Fede Valverde u saxeexay goolka  libinta ay ku gaadheen.

Bilbao ayaa waxay iyaduna guul soo laabasho 2-1 ah ka gaadhay Atletico Madrid oo waqti hore gool kala hormartay, taas oo daqiiqadihii ugu dambeeyey ay ka dhaliyeen labada gool ee guusha siiyey, finalkana ay ku yimaaddeen.

Carlo Ancelotti ayaa koobkiisii ugu horreeyey u qaadaya Real Madrid tan iyo markii uu dib ugu soo laabtay xagaagii, iyadoo toddoba sannadood ka horna uu ku hoggaamiyey Champions League iyo koobab kale.

Xiddiga reer Uruguay ee Fede Valverde oo ahaa halyeygii Los Blancos ugu suntanaa guushii koobka ee sannadkii 2020 ee ay Atletico Madrid kaga qaadeen Spanish Super Cup, ayaa haddana sabab u ahaa inay yimaaddaan finalka.

Real Madrid ayaa ah kooxda labaad ee ugu guulaha badan tartankan Spanish Super Cup, waxaanay ku guuleysatay 11 jeer oo markeedii ugu dambeeyey uu ahaa 2020, hase yeeshee sannadkii hore ayay semi-finalkii ku hadheen, waxaana garaacday Athletic Bilbao oo ay caawa u dhaarsan yihiin inay ka aargoostaan.

Kaddib guulihii Alcoyano iyo Valencia, Real Madrid ayaa doonaya in caawa ay xaqiijisato guushii saddexaad ee saddex tartan oo kala duwan saddex ciyaarood oo isku-xiga gudahooda.

Waxa kale oo koobkan oo ay ku guuleystaan uu u noqon doonaa furaha xilli-ciyaareed ay si qurux badan u ciyaarayaan oo ay horyaalka hoggaanka ku hayaan 49 dhibcood,naadiga kusoo xiga ee Sevilla na ay shan dhibcood ka horreeyaan.

Xogta Kulanka

Ciyaarta: Real Madrid vs Athletic Bilbao

Tartanka: Spanish Super Cup – Final

Waqtiga: 9:30pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: King Fahd International Stadium

Waddanka: Sucuudi Carabiya

Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood

Real Madrid waxay u safartay Sucuudiga iyadoo ay ka maqan yihiin Mariano Diaz iyo Gareth Bale oo dhaawacan, hase yeeshee David Alaba ayaa isaguna  kasoo kaban waayey jug ka gaadhay muruqa oo aan ciyaarin kulankii Barcelona, sidoo kalena ka maqan ciyaarta caawa.

Waxa booska Alaba buuxinaya Nacho Fernandez oo bandhig fiican muujiyey kulankii Barcelona ee Arbacadii, mar kale ayaanu ka garab ciyaari doonaa Eder Militao.

Dani Carvajal ayuu ku dhacay Fayraska Korona oo ku jira hotel ku yaala magaalada Riyadh, halka Marco Asensio ay kooxdu shaacisay inuu dhaawacmay oo uu illaa laba todobaad maqnaan doono.

Difaaca midig waxa ka ciyaari doona Lucas Vazquez, halka garabka midigna uu Ancelotti u kala dooran doono Rodrygo Goes iyo Eden Hazard. Waxa  kale oo uu Ancelotti ka fikirayaa inuu isbeddel ku sameeyo khadka dhexe oo uu kusoo bilaabo Fede Valverde.

Dhinaca Athletic Bilbao, waxa ka maqan Unai Nunez, Unai Vencedor, Under Capa iyo Asier Villalibre, hase yeeshee waxa usoo nastay oo ay u badan tahay inay kusoo bilowdaan Mikel Vesga, Raul Garcia, Nico Williams iyo Yuri Berchiche.

Tababare Marcelino ayaa Vesga u adeegsan kara booska Oier Zarraga oo khadka dhexe ah, laakiin lama filayo inuu taabto Iker Muniain, Alex Berenguer, Inaki Williams iyo Oihan Sancet.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Real Madrid: Courtois; Vazquez, Militao, Nacho, Mendy; Modric, Casemiro, Kroos; Rodrygo, Benzema, Vinicius

Athletic Bilbao: Simon; De Marcos, Yeray, Martinez, Balenziaga; Berenguer, Vesga, D Garcia, Muniain; Sancet, I Williams

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*