Xulka Portugal ayaa la ballansan dhigiisa Uruguay kulan adag oo ah wareega labaad ee heerka Group-yada, xulka Portugal ayaa guul uu kulankan ka helo wareega 16-ka ugu gudbi doona.
Portugal ayaa kulankoodii koowaad guul 3-2 ah kasoo gaadhay dhigooda Ghana halka Uruguay ay barbardhac goolal la’aan ah lasoo galeen South Korea.
Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor
Tababare Fernando Santos ayaa bedelo ay dhaawacyo ku qasbeen ku samayn kara shaxdii uu kaga adkaaday Ghana, Danilo oo dhaawac gaadhay ayuu Pepe booska daafaca dhexe soo gali doonaa.
Dhinaca kale Otavio ayaa khadka dhexe ka dhaawacmay taas oo ka dhigan in William Carvalho bedeli karo isla markaana Bruno Fernandes markale garab weerar ka ciyaari karo taas oo la macno ah in Rafael Leao kursiga keydka markale kusoo bilaaban doono.
Dhinaca Uruguay macalin Diego Alonso ayaa la filayaa inuu kusoo bilaabo shaxdii uu isla South Korea kula soo dheelay.
Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul
Portugal (4-3-3): Costa; Cancelo, Dias, Pepe, Guerreiro; Silva, Carvalho Bruno Fernandes, Neves; Felix, Ronaldo,
Uruguay (4-3-3): Rochet; Caceres, Godin, Gimenez, Olivera; Valverde, Vecino, Bentancur; Pellistri, Suarez, Nunez
Xogta Kulanka
Tartanka: Koobka aduunka 2022
Garoonka: Lusail Stadium
Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa
Garsoore: Alireza Faghani (Iran)
Be the first to comment