HORDHAC: Portugal v Ghana – Ronaldo Oo Koobka Aduunka Furanaya, Xiddigaha Cusub Ee Black Stars, Shaxaha & Xogaha Kulanka

Xulka Portugal ee uu hoggaamiyaha u yahay Cristiano Ronaldo ayaa caawa bilaabanaya koobka aduunka 2022 ee Qatar ka dhacaya xilli 37 sano jirkaasi uu u noqon karo midkii ugu dambeeyay ee uu ka qayb qaato.

Kulankan ayaa noqonaya midkii koowaad ee uu Ronaldo ciyaaro tan iyo markii ay dhawaan Man United shaacisay inay kansashay heshiiskiisii kooxda kaddib waraysi uu ku dhaliilay kooxdaas.

Ghana ayaa kulamadoodii ugu horreeyay ee tartan ah ciyaarsiinaysa Tariq Lamptey iyo Inaki Williams oo dalalka England iyo Spain oo ay hore dhalasho ugu qaateen uga soo laabtay.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Goolhaye Diogo Costa ayaa ruugcaddaa Rui Patricio kasoo hormari kara kaddib wacdarro uu FC Porto mudo kusoo dhigayay.

Pepe iyo Ruben Dias ayaa daafaca dhexe kasoo wada muuqan kara haddii uusan dheelin Daniko Pereira oo dhawaanahan halkaas ka safanayay halka Joao Cancelo iyo Nuno Mendes garbaha daafaca dheeli karaan haddii tababare Fernando Santos go’aansado inuusan Diogo Dalot kusoo bilaabin.

Kabtanka Wolves ee Neves iyo William Carvalho ayaa masuuliyada khadka dhexe ee Portugal qaadi kara iyadoo Bruno Fernandes oo doorka No.10 ee ka horreeya dheelayo.

Bernardo Silva iyo Rafael Leao oo isagu ah hormooda AC Milan ee haatan ayaa garbaha weerarka ka caawin kara Cristiano Ronaldo.

Dhinaca Ghana Thomas Partey oo kulankii saaxiibtinimo ee ay dhawaan Switzerland ka adkaadeen taxadar loo fadhiisiyay ayaa toos shaxda ugu soo laaban doona.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Xul

Portugal (4-3-3) – Costa; Cancelo, Dias, Pepe, Mendes; Fernandes, Carvalho, Neves; Silva, Ronaldo, Leao

Ghana (4-2-3-1) – Ati-Zigi; Lamptey, Amartey, Salisu, Mensah; Partey, Samed; Sulemana, Williams, A.Ayew; J.Ayew

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobk Aduunka 2022

Garoonka: 974 Stadium

Wakhtiga: 7:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Ismail Elfath (USA)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*