Hordhac: Man United vs Fulham – Ten Hag Oo Koobkiisii 2aad Isha Ku Haya, Shaxaha Iyo Xogta Kulanka

Old Trafford waxay maanta martigelineysaa kulan ka tirsan wareega sideed dhamaadka FA Cup oo ay isaga horimaanayaan kooxaha Premier League ee Manchester United iyo Fulham.

Red Devils ayaa gool looga hormaray ka soo kabsatay islamarkaana garaacday West Ham kulankii wareega shanaad ee FA Cup, halka Fulham ay ka soo talaabsadeen Leeds markii ay u soo gudbayeen wareega sideed dhamaadka.

XOGTA KULANKA:

Kulanka: Man United vs Fulham

Garoonka: Old Trafford

Garsoore: Chris Kavanaugh

Waqtiga: 7:30pm Saacada Geeska Afrika

MAXAA KA CUSUB?

Burburiyaha khadka dhexe ee Manchester United waxaa u bilaabaneysa maanta ganaax afar kulan ah ka dib casaankii uu qaatay kulankii Southampton ee Premier League, taasoo ka dhigeysa khadka dhexe ee United inuusan caga badan ku taagneyd madaama ay sidoo kale dhaawacyo ku maqan yihiin Donny van de Beek iyo Christian Eriksen.

Garnacho ayaa isna dhowr isbuuc la maqnaan doona dhaawac canqowga ah halka Anthony Martial uu ka soo kabsanayo dhaawac sinta ah, iyadoo Antony uu shaki ku jiro madaama uu xumad ku seegay kulankii Betis.

Marcel Sabitzer ayaa la filayaa inuu buuxiyo booska Casimero, halka xiddigaha la nasasiiyay ee Raphael Varane iyo Luke Shaw ay ku soo laabanayaan daafaca.

Fulham ayaa iyagana dhankooda dib u soo dhaweynaya burburiyahooda khadka dhexe Palhinha kaasoo soo dhameystay ganaax labo kulan ah.

Cedric Soares ayaa isna kooxda ku soo laabanaya madaama ay mamnuuc ka aheyd inuu ka horyimaado kooxdiisa Arsenal laakiin Shane Duffy, Neeskens Kebano iyo Layvin Kurzawa ayaa dhaawacyo ku maqan. Fuham waxaa sidoo kale u soo laabtay William oo dhaawac dhabarka ah ku seegay kulankii Arsenal.

SHAXAHA MACQUULKA AH:

Manchester United: De Gea; Dalot, Varane, Martinez, Shaw; Fred, Sabitzer; Sancho, Fernandes, Rashford; Weghorst

Fulham: Rodak; Tete, Diop, Ream, Robinson; Palhinha, Reed; Willian, Pereira, Solomon; Mitrovic

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*