HORDHAC: Brazil v Switzerland – Xulka Guuleysta Oo Gudbaya, Xiddiga Bedelaya Neymar, Shaxaha & Xogaha Kulankan

Xulka Brazil ayaa caawa la ballansan dhigiisa Switzerland kulan labada xul midkii badiyaaba uu wareega 16-ka ee koobka aduunka u gudbayo.

Brazil ayaa kulankeedii koowaad guul 2-0 ah kasoo gaadhay xulka Serbia halka Switzerland qudheedu ay kasoo adkaatay dhigeeda Cameroon oo ay 1-0 kusoo jiidhay.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Maqnaanshaha Brazil qabto kulankan ayaa ah midka hoggaamiyaha xulkeeda ee Neymar iyo si lamid ah daafaca midig ee Danilo.

Tababare Tite ayaa laba arrimood samayn kara bedelka Neymar, mida koowaad ayaa ah inuu Rodrygo toos ugu bedelo oo doorkiisii No.10 ka dheelsiiyo halka mida labaad tahay inuu Paqueta hore u qaado oo No.10 geeyo isagoo Fred No.8 ka dhigaya.

Maqnaanshaha Danilo ayaa la filayaa inuu buuxiyo booska daafaca midig Eder Militao oo asal ahaan daafaca dhexe ah.

Dhinaca Switzerland, tababare Murat Yakin ayaan gabi ahaanba wax dhibaato ah ku qabin dhaawacyo waxaana la filayaa inuu isla shaxdii uu Cameroon ku garaacay ku ciyaari doono.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Brazil (4-2-3-1): Alisson; Eder Militao, Marquinhos, Thiago Silva, Alex Sandro; Lucas Paqueta, Fred Casemiro; Raphinha, Vinicius Junior; Richarlison

Switzerland (4-3-3): Sommer; Widmer, Akanji, Elvedi, Rodriguez; Freuler, Xhaka, Sow; Shaqiri, Embolo, Vargas

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka aduunka 2022

Garoonka: 974 Stadium

Wakhtiga: 7:00 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Ivan Barton (El Salvador)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*