HORDHAC: Brazil v Serbia – Kulankii Ugu Xiisaha Badnaa Oo Caawa Dhacaya, Selecao Oo Imtaxaan Maraya & Xogaha Kulanka

Waxa caawa gegida weyn ee Lusail Stadium ku dhex maraya xulalka Brazil iyo Serbia kulan lagu sifayn karo midka ugu xiisaha badan wareega koowaad ee Group-yada ee isla caawa lasoo afmeerayo xulalka Brazil iyo Serbia.

Brazil oo kamida xulalka hanashada koobka ugu cad cad sanadkan ayaa wajahaysa xulka Serbia oo wacdarro soo dhigay booska uu ku jirana kasoo xoogan dhigiisa Portugal.

Wararka Labada Xul Ee Kulanka Kahor

Tababare Tite ayaa haysta saf dhammaystiran, Alisson Becker ayaa booska goolka kasoo hormaraya Ederson iyadoo Thiago Silva oo kabtanka koobka ee Brazil shalay laga dhigay iyo Marquinhos daafaca dhexe ku bahoobayaan,

Xiddigaha Juventus ee Danilo iyo Alex Sandro ayaa garbaha daafaca kusoo bilaaban kara halka Casemiro doorka burburiyaha dheelayo.

Paqueta ayaa No.8 kaga soo hormari kara Fred iyo Bruno Guimaraes labadaba iyadoo Neymar uu markale ku metelayo xulka booska No.10.

Raphinha iyo Vini Jr oo Barcelona iyo Real Madrid ka kala socda ayaa garbaha dheelaya iyagoo caawinaya Richarlison oo weeraryahanka dhexe ah.

Si ka duwan Brazil, tababare Dragan Stojkovic ayaa ka werwersan taam ahaanshaha weeraryahan Alexander Mitrovic oo dhaawac canqawga ah qaba.

Luka Jovic ayaa bedelka Mitrovic weerarka Serbia kala ciyaaro kara Dusan Vlahovic halka Dusan Tadic uu ka dambayn doono No.10 ahaan.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Labada Xul

Brazil (4-2-3-1): Alisson; Danilo, Marquinhos, Thiago Silva, Alex Sandro; Casemiro, Paqueta; Raphinha, Neymar, Vinicius Junior; Richarlison

Serbia (3-4-1-2): Vanja Milinkovic-Savic; Milenkovic, Stefan Mitrovic, Pavlovic; Zivkovic, Gudelj, Sergej Milinkovic-Savic, Kostic; Tadic; Vlahovic, Jovic

Xogta Kulanka

Tartanka: Koobka Aduunka 2022

Wakhtiga: 10:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garoonka: Lusail Stadium

Garsoore: Alireza Faghani (Iran)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*