HORDHAC: Barcelona v Real Sociedad – Barca Oo Imtaxaan Copa Del Rey Ah Maraysa, Shaxaha & Xogaha Kulanka

Barcelona ayaa kulan muhiim u ah oo ah siddeed dhammaadka Copa Del Rey caawa Camp Nou kula ciyaaraysa kooxda xilli ciyaareedka fiican qaadanaysa ee Real Sociedad.

Sociedad ayaa wakhti wanaagsan ku jirta iyadoo booska saddexaad ee horyaalka La Liga joogta taas oo ciyaartan caawa lagu kala baxayo ka dhigaysa mid muhiim ah.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Lewandowski iyo Torres oo kulamada horyaalka ganaaxnaa ayaa Barca diyaar u ah, dhaawaca kaliya ee uu Xavi qabo ayaa ah Andreas Christensen oo la bedelay kulankii Getafe.

Eric Garcia ayaa daafaca dhexe kula soo bilaaban kara Ronald Araujo halka Pedri iyo De Jong khadka dhexe kala soo muuqan karaan kabtan Busquets iyadoo Gavi la nasin karo.

La Real ayay ka dhaawacan yihiin dhinaceeda xiddigo badan oo kala ah Martin Merquelanz, Mohamed-Ali Cho, Alex Sola, Mikel Merino, Andoni Gorosabel, Jon Pacheco, Ander Guevara, David Silva iyo Sadiq Umar.

Waxa ganaax uga soo laabanaya khadka dhexe ee Martin Zubimendi, arrinta kalsoonida siinaysa kooxda martida ah ayaa ah inay siddeed kulan oo xidhiidh ah guulo soo gaadheen.

Shaxaha Macquulka Ah

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Kounde, Araujo, Garcia, Alba; Pedri, Busquets, de Jong; Raphinha, Lewandowski, Dembele

Real Sociedad (4-3-3): Remiro; Elustondo, Zubeldia, Le Normand, Rico; Mendez, Illarramendi, Zubimendi; Barrenetxea, Sorloth, Oyarzabal

Xogta Kulanka

Tartanka: Copa Del Rey

Garoonka: Camp Nou

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Jesus Gil Manzano

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*