Heshiiskii Ugu Yaabka Badnaa Kubadda Cagta Oo Isa-sudhaya Tottenham, Manchester United iyo Real Madrid

Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa lagu soo warramayaa in ay la xidhiidhay Real Madrid oo ay u sheegtay in ay la saxeexato weeraryahanka reer England ee Harry Kane oo ay ku siinayaan qiime aad u hooseeya iyo ciyaartoy ku silicsan Santiago Bernabeu oo ay Spurs doonayso inay la wareegto.

29 jirka reer England oo qandaraaskiisa Tottenham uu sannad ka hadhsan yahay ayay kooxdiisu doonaysaa in ay iibiso si aanu bilaash ugaga tegin, laakiin Daniel Levy ayaa diiddan in uu tago kooxaha horyaalka Premier League ee ay xafiiltamayaan.

Real Madrid oo hore u xiisaynaysay laacibkan, isla markaana raadinaysa beddelka Karim Benzema ayay Tottenham u sheegtay in ay la wareegto Harry Kane oo ay bixiyaan lacag aad uga hoosaysa inta ay ku xidhayaan kooxaha Premier League iyo sidoo kale in Los Blancos ay siiso Eden Hazard oo ay Real Madrid raadinayso cid kala wareegta.

Tallaabada Tottenham ;oo ay saxaafadda Ingiriisku ku tilmaameen mid waalli ah ayaa waxa la is-weydiinayaa waxa uu Eden Hazard oo afar sannadood ku silcayay Bernabeu uu kusoo kordhin karo Spurs, halka ay sidoo kale canaan ku mutaysanayaan sababta ay laacibkan uga kaxaynayaan dalkiisa.

Wargeyska Mundo Deportivo oo helay xogta xidhiidhka dhax maray Real Madrd iyo Tottenham ayaa sheegay in kooxda reer Spain ay la dhacsan tahay qorshaha Tottenham maadaama Benzema oo 35 jir ah ay dhaawacyo dishoodeen oo ay tahay in weeraryahan kale oo tayadiisu sarrayso ay la saxeexdaan xagaaga.

Harry Kane ayaa kasoo baxay kulliyadda da’yarta Tottenham, waxaana sannadkii 2014 uu usoo dallacay kooxda koowaad balse waligii kuma aanu guuleysanin wax koob ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*