“Heshiiska Raphinha Ee Chelsea Wuu Dhammystirnaa…Haddii Barcelona Lacagta Nasiin Waydo….” – Mulkiilaha Leeds Oo Farriin Culus Diray

Mulkiilaha kooxda Leeds United ee Andrea Radrizzani ayaa diray farriin culus oo la xidhiidha heshiiskii ay Barcelona kaga iibiyeen xiddigii hormoodka u ahaa ee Raphinha.

Andrea ayaa sheegay in haddii aysan Barcelona wakhtigii lagu balamay lacagta kasiinin ay kiis caalami ah ku furi doonaan isagoo dhinaca kale qirtay inuu la yaaban yahay sida ay lacagaha ku heshay kooxdaasi.

Barca ayaa markii suuqani furmay ahayd mid faro-madhnaan lagu tuhmayo oo aan dhaqaale badan awoodin balse ilaa haatan waa kooxda lacagta ugu badan galisay suuqa saxeexyada ugu fiicana loo arko inay heshay.

“Anigu ma garanayo waxa daaha dabadiisa ka socda iyo sida ay degdega lacagta ugu heleen haatana way shaqaynaysaa, ma cada” ayuu yidhi Andrea Radrizzani.

“Eeg, waxaan idiin sheegi doonaa 2-da September, haddii kale kiis caalami ah ayaanu saxaafada oo dhan kaga furi doonaa Barcelona”,

Dhinaca kale mulkiilaha Leeds ayaa sheegay inuu dhammaystirnaa heshiiska uu Raphinha kaga iibiyay Chelsea balse ay Barcelona ka dhaadhicisay ciyaaryahanka inuu sugo.

“Aniga ahaan wuxuu ahaa heshiis dhammaystiran, marka aan heshiis galana ballantaydu waa ballantayda. Waxaan dareemay xishood inaan ku noqday Todd Boehly oo aan go’aankayga bedelo”.

“Heshiiska waxaanu la gaadhnay Chelsea sababtoo ah ciyaaryahanka ayaa doonayay inuu tago wuuna u furnaa inuu dhagaysto dalabaadka kooxaha Premier League uga imanaya”.

“Chelsea ayaa ahayd mid boos fiican joogta balse aynu nidhaahno nasiib darro Barcelona ayaa saamaysay ciyaaryahanka oo ku qancisay inuu sugo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*