HESHIIS DHAN: Xavi Hernandez Oo Ansixiyey Heshiiska Manchester United Kula Wareegayo De Jong Iyo Xiddigii Booskiisa U Buuxin Lahaa Oo Uu Helay

Tababaraha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Xavii Hernandez ayaa ansixiyey in Manchester United ay si buuxda ula wareegto kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong marka  uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan foodda inagu soo haya, waxaana uu durba helay laba ciyaartoy oo sii joogay Camp Nou iyo mid jidka kusoo jira oo u buuxin doona booska uu bannaynayo De Jong.

Xavi ayaa isku qanciyey in Gavi iyo Pedri ay awood u leeyihiin inay buuxiyaan booska De Jong, isla markaana ay kooxdiisu ka maarmi karto xiddiga reer Netherlands oo xilli ciyaareedkan u saftay 45 kulan, una dhaliyey afar gool iyo shan kale oo uu caawiye ka noqday.

De Jong oo kusoo bilowday 29 ciyaarood oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan ayaa la sheegay inuu heshiis 70% la dhamaystiray uu ugu wareegayo Manchester United, isla markaana ay Barcelona aqbashay dalabka uga yimid Ded Devils.

Xiddigan oo afar sannadood ay ka hadhsan tahay qandaraaskiisa Barcelona oo sannadkii 2019 uu kaga soo biiray Ajax ayaa ku jira qorshaha tababare Erik ten Hag oo Manchester United la wareegi doona bisha July, waxaana la sheegay in Manchester United ay u shubi doonto Barcelona lacag gaadhaysa €75 milyan oo Euro oo iskugu jira lacago kaash ah iyo kuwo kale oo ku xidhnaanaya guulaha uu la gaadho Red Devils.

Sida ay tabisay warbaahinta Cuatro Deportes, Barcelona ayaa sidoo kale sugaysa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara AC Milan ee Franck Kessie oo uu Xavi doonayo inuu si bilaash ah kula soo wareego, isla markaana ka dhigo xoog kale oo buuxiya booska uu bannaynayo De Jong.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*