HESHIIS: Barcelona Oo Durba Meel Sii Saartay Xiddiga U Bedelaya Frankie De Jong

Barcelona ayaa u muuqata mid kasii tabaabushaysatay bixitaanka khadkeeda dhexe ee Frankie De Jong kaas oo aad ugu dhaw inuu ku biiro Manchester United.

Barcelona ayaa Manchester ka diiday dalabkii koowaad oo ahaa 51 Milyan oo pound (60 Milyan oo euro) waxaana ay haatan labada dhinac u muuqdaan kuwo sidii hore iskaga soo dhawaanaya.

Barcelona ayaa bedelka xiddiga Dutch-ka ah u aragta kubad sameeyaha kooxda Valencia ee Carlos Soler kaas oo ay wararku sheegayaan inay haatan heshiiskiisa meel saareen.

Wargeyska Diario AS ayaa dhawaan shaaciyay in Barcelona ay Valencia 20 Milyan oo euro kula heshiisay isla markaana ay Soler lasoo wareegi doonaan haddii uu heshiiska De Jong qabsoomo.

Wakiilka caanka ah ee Jorge Mendes oo ka masuul ah Soler ayaa hore saxeexa xiddigiisa ugu bandhigay Barcelona isla markii uu arkay in horumar laga samaynayo heshiiska De Jong.

Soler ayaa xilli ciyaareedkii dhammaaday guud ahaan 15 gool soo dhaliyay isaga oo 12 usoo saxeexay kooxdiisa Valencia halka uu saddexda kale xulka Spain usoo dhaliyay.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*