Arsenal oo ku sugan London Stadium ayaa u baahan guul si ay dib ugu soo ceshato kaalinta afraad oo ay kala wareegtay Tottenham Hotspur oo guul weyn ka gaadhay Leicester City, hal dhibicna kaga qabaatay kaalinta afraad.
Mikel Arteta ayaa soo qaddimay weerraryahanka da’da yar ee Nketiah oo kasoo hormaray Alexandre Lacazette, waxaana uu ka garab ciyaarayaa Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli.
Khadka dhexe ayay ka wada ciyaarayaan Martin Odegaard, Granit Xhaka iyo Mohamed Elneny, halka difaaca dhexena ay wada taagan yihiin Holding iyo Gabriel Magalhaes oo ay dhinacyada ka xigaan Tomiyasu iyo Tavares.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Arsenal XI: Ramsdale, Tomiyasu, Holding, Magalhaes, Tavares, Elneny, Xhaka, Odegaard, Martinelli, Saka, Nketiah.
Kaydka: Leno, Lacazette, Smith Rowe, Cedric, Pepe, Lokonga, Kirk, Salah-Eddine, Swanson.
West Ham XI: Fabianski, Coufal, Zouma, Cresswell, Fredericks, Noble, Rice, Fornals, Bowen, Benrahma, Lanzini.
Kaydka: Areola, Yarmolenko, Antonio, Vlasic, Diop, Masuaku, Soucek, Kral, Alese.
Be the first to comment