Harry Maguire, Rashford & McTominay: SADDEXDA Ciyaartoy Ee Barcelona Ay Ka Doonayso Manchester United

Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Maguire ayaa lala xidhiidhinayaa Barcelona oo la sheegayo inay doonayso xagaagan, laakiin uu kaliya ku bixi karo heshiis shuruudo ku xidhan yihiin oo aan wax lacag ah la kala qaadan doonin.

Tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag ayaa isbeddelo badan samayn doona, waxaana uu doonayaa inuu la saxeexdo dhawr ciyaartoy oo sees u noqda dibu-dhiska kooxda, halka uu meeshana ka saarayo ciyaartooyo badan oo uu u arko in aanay wax manfac ah u lahayn Manchester United.

Erik ten Hag waxa uu qorshihiisu yahay inuu Barcelona u diro saddex ciyaartoy oo ay qaarkood muddo isku dayayeen inay la saxeexdaan, waxaana ka  mid ah weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo waqtiyo hore ay kooxda reer Spain muujisay inay doonayso.

Sida uu sheegay wariyaha reer Spain ee Gerard Romero, Erik ten Hag ayaa Barcelona  ka doonaya kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong, taas beddelkeedana waxa uu diyaar ula yahay in ay la wareegaan ciyaartooyo uu ku jiro Harry Maguire oo canaan badan la kulmay xilli ciyaareedkan.

Maguire ayaa bandhig aad u liita iyo hoggaamin saluug laga muujiyey la timid, waxaanay dad badanku talinayaan in laga qaado kabtanimada.

Marcus Rashford ayaa isaguna ah ciyaartoyga kale ee la rumaysan yahay in Barcelona ay aqbali karto inuu qayb ka noqdo heshiiska Maguire, waxaase dhinaca Manchester United ka diyaar ah Alex Telles iyo Anthony Elanga, hase yeeshee Xavi Hernandez ayaa lagu soo warramayaa inay indhihiisu hayaan Scott McTominay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*