Harry Maguire Oo Soo Bandhigay Dareenkiisa Erik Ten Hag Oo Kaydka Manchester United U Dhaadhiciyey

Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Kane ayaa sheegay in uu u dagaallami doono booskiisa Red Devils, inkasta oo uu tababare Erik ten Hag kursiga kaydka u diray oo uu ka doortay labada difaac dhexe ee Lisandro Martinez iyo Raphael Varane.

Maguire oo kusoo bilowday labadii ciyaarood ee ugu horreeyey horyaalka ee Brighton iyo Brentford ayaa lumiyey booskiisa, waxaana uu afartii ciyaarood ee xigay ku jiray kaydka oo uu daawade ka ahaa, hase yeeshee Gareth Southgate ayaa xalay dib niyadda ugu dhisay oo kusoo bilaabay kulankii xulka qaranka England uu guul-darrada kala soo kulmay Talyaaniga ee UEFA Nations League.

Laacibkan oo warbaahinta la hadlay xalay, ayaa sheegay, in uu dareemayo in uu ku jiro qaab fiican oo uu firfircoon yahay, isla markaana diyaar u yahay in uu ku dagaallamo booskiisa Manchester United, waxaanu yidhi: “Waan fiicanahay, diyaarna waan u ahay in aan ciyaaro. Waxa aan dareemayaa taam ahaansho iyo firfircooni.

“Qaabkayga, anigu ma garanayo waxa laga sheegay, run aahaantiina ma akhriyin waxa layga yidhi, laakiin waxa aan saddex ciyaarood oo wanaagsan u dheelay England xagaagii, kulamadii xagaaguna way fiicnaayeen, runtii waxa aan dareemay in aan wanaagsanahay.”

Intaas kaddib waxa uu Harry Maguire farriin u diray tababare Erik ten Hag, waxaanu yidhi: “Tababare Erik ten Hag isaga ayaa go’aansaday in uu i fadhiisiayo, kooxduna way guuleysanaysay illaa markaas.

“Anigu si adag ayaan uga shaqaynayaa tababarka si aan u xaqiijiyo in aan diyaar ahaado marka ay fursad soo baxdo. Kaliya intaas ayaan samayn karaa, si aan iskugu dayo in aan caawiyo kooxdayda.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*