Harry Kane Keena Oo Qaata….!! Man United Oo Heshiis Xiddigo Is-Dhaafsi Ah Kane Kaga Doonaysa Tottenham

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay qorshaynayso inay heshiis ciyaartoy is-dhaafsi ah ku doonayso weeraryahanka Tottenham ee Harry Kane iyaga oo bedelkiisa siinaya Anthony Martial.

Iyadoo la filayo in Edinson Cavani uu ka baxo Old Trafford marka uu heshiiskiisu dhaco xagaaga ayay Manchester suuqa ugu jirtaa saxeexa dhaliye cusub oo dabiici ah, sida lagu sheegay The Athletico United ayaa bartilmaameedkeeda koowaad u dooratay Harry Kane.

Tottenham ayaa Harry Kane ku qiimaysa lacag ka badan 100 Milyan oo pound, Manchester ayaa sida warbixinta lagu sheegay xiddigaas oo dhawaan 29 sano jirsan doona qiimihiisaas u aragta mid aad  u sarreeya.

Taas bedelkeeda Man United ayaa raadinaysa qaabab kale oo ay hoos ugu soo dhigi karto qiimaha ay Spurs ku doonayaan Harry waxaana ay qorshaynayaan inay Martial u diraan dhinaca kale.

Walow ay mudo hore Tottenham xiiso u muujisay Martial haddana waxa laga warsugi doonaa haddiiba ay 26 sano jirkaas doonayaan inay qaataan oo Kane ku bedeshaan.

Anthony Martial ayaa isagu ah mid muhiimada koowaad siinaya oo doorbidaya horyaalada Talyaaniga iyo Spain haddiiba uu si rasmi ah uga baxo Man United xagaaga.

Ugu dambayn, Kane ayaan ahayn weeraryahanka kaliya ee ay Man United ku qoratay liiska xiddigaha ay booskaas u doonayso, Darwin Nunez oo sidoo kale wacdarro ku dhigaya Benfica ayaa ku jira doonisteeda.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*