“Haddii Man City Soo Doonato….” Madaxa Fulinta Borussia Dortmund Oo Qirasho Weyn Ka Sameeyay Mustaqbalka Erling Haaland

Madaxa fulinta kooxda Borussia Dortmund ee Hans-Joachim Watzke ayaa qirtay in weeraryahanka kooxdooda ee Erling Haaland ay waayi karaan suuqa xagaaga sanadkan isaga oo tusaale usoo qaatay kooxda Premier League difaacanaysa ee Manchester City.

Haaland ayaa ah mid kamida xiddigaha loogu doonista badan yahay Yurub oo dhan haatan, xilli ciyaareedkan ayuu markale bandhigyo heer sarre ah soo sameeyay walow uu kulamo badan dhaawac ku seegay haddana 23 kulan ayuu 29 gool kusoo dhaliyay koox iyo qaranba.

Man City ayaa loo arkaa kooxda ugu cad cad saxeexa Haaland balse sidoo kale waxa loolanka dhinacooda kaga jira Real Madrid iyo Barcelona.

Haatan Watzke oo la hadlay wargeyska BILD ayaa qirtay inaysan awoodi doonin inay Haaland sii haystaan haddiiba dhaqaale ahaan ay loolankiisa soo galaan kooxo Man City kamid tahay si lamid ah sidii ay u ceshan kari waayeen Robert Lewandowski iyo Pierre Emerick Aubameyang oo Bayern Munich iyo Arsenal kaga kala biiray.

Hans-Joachim Watzke ayaa yidhi “Erling Haaland miyaa? wali dhinaca ciyaartoyga waxba kama ogin balse waxaanu ognahay in aanaan dhaqaale ahaan u babac dhigi karin haddii Man City timaado”.

“Waxay sidaas oo kale horeba noogaga dhacday Lewandowski oo Bayern ku biiray iyo Aubameyang oo Arsenal ku biiray”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay durba suuqa ugu jiraan bedelka Haaland waxaana uu yidhi “Marka uu Haaland baxo waxaanu heli doonaa xiddig kale oo hibo leh oonu ka dhigi doonaa ciyaaryahan cajiib ah”.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*