“Haddii Aan Mustaqbalka Joogo Iyo Haddii Kaleba….” – Mohamed Salah Oo Hadal Jeedin Weyn Sameeyay & Haddii Uu Xulka Masar Ka Fadhiisanayo

Xulka qaranka Egypt ayaa markale qalbi jab weyni kasoo gaadhay dhigooda Senegal oo kulamadii isreeb-reebka koobka aduunka kaga cidhib tiray fursadii ay kaga qayb gali lahaayeen tartanka ka dhacaya Qatar sanadkan.

Masar ayaa kulankii lugtii hore ee ka dhacay magaalada Qaahira guul 1-0 ah soo gaadhay balse Senegal ayaa ciyaartii habeen hore lagu dheelayay Dakar markiiba iska soo guday goolkaas.

Labada xulba waxay awoodi waayeen inay goolka guusha keensadaan taas oo dhalisay inay isla aadaan rigoorayaal, gool ku laadyadaas ayay guul 3-1 ahi ku raacday Senegal iyadoo Mohamed Salah, Mostafa Mohamed iyo Zizo ay khasaariyeen rigoorayaashoodii.

Si kastaba, Mohamed oo kulanka kaddib la hadlay il-wareedka ree Masar ee FilGoal ayaa qishay inuu gabi ahaanba ka hawl gabi karo kubadda cagta heer qaran sida hadalkiisa laga dhadhansaday.

“Waxaan ciyaartoyda kula hadlay qolka labiska kahor lugtii labaad waxaanan u sheegay inaan ku faraxsanahay inaan la ciyaaro oo ay yihiin qaar kamida dadkii ugu wanaagsanaa een la ciyaaray” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Salah.

“Waxaan wakhti lasoo qaatay jiilashii hore ee Wael Gomaa iyo Aboutrika si lamid ah jiilkii Abdallah El Saeed iyo inaan aad ugu faraxsanahay jiilka haatan”.

“Haddii aan joogo iyo haddii aanan jooginba mustaqbalka, waan ku faraxsanahay inaan ahaa mid idinka tirsan….”

Intaas kaddib Salah ayuu hadalka kasoo dhex galay wasiirka ciyaaraha dalkiisa Masar kaas oo yidhi “Waad nala joogi doontaa”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*