Habaarka Maaliyada No.9 Ee Chelsea Oo Xadhkaha Goostay & Liiska Tobban Dhaliye Oo Ku Fashilmay

Habaarka No.9-aad ee kooxda Chelsea ayaa ah mid halkiisa kasii socda kaddib markii lagu heshiiyay inuu hal xilli ciyaareed amaah ugu laabto kooxdiisii hore ee Inter Milan oo xagaagii hore uun lacag waali ah kaga soo iibisay kooxda London ka ciyaarta.

Markii uu Tammy Abraham ka tagay xagaagii hore Chelsea una wareegay Roma, Lukaku ayaa lagu wareejiyay maaliyadaas oo ay hore ugu soo fashilmeen weeraryahano badani.

Iyadoo waxyaabo badan laga rajaynayay Lukaku oo heshiiska uu kooxda ku yimid ahaa 115 Milyan euros ayay kamid ahayd inuu jabin doono inkaarta lambarkaas sagaalaad ee kooxda mudada dheer soo haystay.

Romelu ayaa 44 kulan oo uu tartamada oo dhan uga soo ciyaaray Blues usoo dhaliyay 15 gool, arrinta xiisaha usii yeelaysa ayaa ah in Abraham oo booska baneeyay uu noqday xiddiga English-ka ah ee goolasha ugu badan hal xilli ciyaareed abid ka dhaliyay Serie A.

Liiska Sagaal Weeraryahan Oo Ka Horreeyay Lukaku & Sida Ay Ugu Soo Fashilmeen No.9-ka Blues.

  1. Chris Sutton – 39 kulan – 1 gool
  2. Mateja Kezman – 41 kulan – 7 gool
  3. Khalid Boulahrouz – 20 kulan – 0 gool
  4. Steve Sidwell – 25 kulan – 1 gool
  5. Franco Di Santo – 16 kulan – 0 gool
  6. Fernando Torres – 172 kulan – 45 gool
  7. Radamel Falcao – 12 kulan – 1 gool
  8. Alvaro Morata – 48 kulan – 15 gool
  9. Gonzalo Higuain – 18 kulan – 5 gool
  10. Romelu Lukaku – 44 kulan – 15 gool

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*