Ha Illoobin Qaladkii U Weynaa Ee Manchester United Ka Gashay Suuqa Iibka Ciyaartoyda – Maxaa Iska Galay Virgil van Dijk?

Manchester United ayaa samaysay qalad weyn oo dhinaca suuqa ah markii ay doonatay laacibka reer Sweden ee Victor Lindelof sannadkii 2017kii, markaas oo ay heli karaysay ciyaartoy haddii ay gacanta ku dhigi lahayd si fiican u anfici lahaa.

Red Devils oo lacag badan suuqa gelisay tan iyo sannadkii 2013kii oo ahayd waqtigii uu tababaraheedii hore ee Sir Alex Ferguson uu hawlgabka noqday, waxaanay lumiyeen sirtii ciyaartoyda wanaagsan ay ku helayeen, taas oo xakamaysay guulihii ay gaadhi karayeen.

Inkasta oo uu u qaaday Europa League, haddana Jose Mourinho ayaa sameeyey gef weyn oo kooxdu ay ku weyday xiddig weyn oo haddii uu iman lahaa Old Trafford ay suurtogal ahaan lahayd in xaaladda kooxdu ay ka beddelnaan lahayd sida ay hadda tahay.

Xagaagii 2017kii ayay Manchester United soo iibsatay Victor Lindelof iyadoo iska lumisay fursad fiican oo ay kula soo wareegi kari lahayd difaaca reer Netherlands ee Virgil van Dijk oo ay Liverpool la saxeexatay lix bilood kaddib markii ay Man United iska garab martay.

January 2018 ayay Liverpool £75  milyan oo Gini ka bixisay Van Dijk oo ay kala soo wareegtay Southampton, waxaana lagu tilmaamaa saxeexii ugu fiicnaa ee Jurgen Klopp, inkasta oo ay sidoo kale uu booskaas kula tartamayo Mohamed Salah.

Charlie Austin oo Virgil van Dijk ay ka wada ciyaari jireen Southampton ayaa xaqiijiyey in Manchester United ay xiisaynaysay laacibkan laakiin ay ka doorteen Virgil van Dijk, sidaana ay Liverpool nasiib ugu yeelatay laacibkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*