Gundogan Oo Doortay SADDEXDA Xiddig Ee Ugu Fiican Dunida Wakhtigan & Wacdaraha Uu Ku Dhigay Ronaldo Iyo Messi

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Ilkay Gundogan oo barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah ku qabtay bartiisa Twitter-ka ayaa doortay saddexda xiddig ee wakhtigan dunida ugu wanaagsan.

Gundogan ayaa iska diiday labada ciyaaryahan ee loo arko kuwa jiilkan ugu fiicnaa ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi isaga oo doortay saddex ciyaaryahan oo kale.

Messi ayaa kusoo guuleystay Ballon d’Or sanadkii hore balse kooxdiisa cusub ee PSG ku bilawday qaab gaabis ah, ilaa haatan ayuu shan gool kasoo dhaliyay horyaalka halka uu kaliya 1 gool kasoo diiwaan gashaday horyaalka Ligue 1.

Cristiano Ronaldo ayaa isaguna xilli ciyaareedkan 14 gool kusoo dhaliyay 21 kulan balse kooxdiisa Manchester United ayaan u dhawayn heerkii la filayay inay noqoto iyaga oo booska toddobaad ka fadhiya kala sarreynta horyaalka Premier League.

Si kastaba, Gundogan oo saddexda xiddig ee wakhtigan ugu fiican dunida la weydiiyay ayaa aaminsan in wakhtigii Ronaldo iyo Messi uu soo dhammaaday isaga oo bedelkooda doortay mashiinga goolasha Bayern Munich ee Robert Lewandowski, hoggaamiyaha Real Madrid ee Karim Benzema iyo dhaliyaha Liverpool ee Mohamed Salah.

Lewandowski ayaa ilaa haatan xilli ciyaareedkan 31 gool kusoo dhaliyay 26 gool halka Salah uu 23 kusoo saxeexay 26 kulan iyadoo Karim Benzema-na uu 23 gool leeyahay dhinaciisa.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*