Graham Potter Oo Toos U Doortay Xiddiga Uu Chelsea Keenayo Bedelka Jorginho & N’Golo Kante?

Tababaraha dhawaan-galka ah ee kooxda Chelsea ee Graham Potter ayaa u muuqda mid xushay xiddiga uu khadkiisa dhexe ku xalinayo kaddib Jorginho iyo N’Golo Kante.

Xaalada khadka dhexe ee Chelsea ayaa ah mid xiiso leh xilli heshiisyada ay Stamford Bridge ku joogaan Kante iyo Jorginho dhacayaan dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Bedelka mustaqbalka fog ee xiddigahaas ayaa u muuqda mid ay Blues ku qasban yihiin inay helaan, Nicolo Barella oo uu wargeyska Tuttomercato haatan sheegayo in Potter u doortay ayaa ah mid sanadihii ugu dambeeyay Inter isku soo muujinayay.

Xiddiga Talyaaniga ah ayaa xilli ciyaareedkan laba kulan metelay kooxdiisa Nerazzurri isaga oo laba gool iyo laba caawimo isku soo qoray.

Xilli ciyaareedkii hore ayuu sidoo kale ahaa mid wanaagsan isaga oo 48 kulan oo uu kooxdiisa u ciyaray afar gool iyo 13 caawimo soo sameeyay.

Doonista suuqa ee Nicolo ayaysan Chelsea kali ku ahayn balse waxa dhinaceeda isha kala raacaysa Real Madrid oo u aragta bedelka fog ee Luka Modric.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*