Gary Neville Oo Magacaabay Laba Ciyaartoy Oo Afrikaan Ah Oo Lagu Dulmiyey Horyaalka Premier League

Halyeyga Manchester United ee Gary Neville ayaa magacaabay laba ciyaartoy oo lagu dulmiyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, isla markaana aan la siinin qiimayntii ay lahaayeen inkasta oo ay ahaayeen xiddigo bandhig heersare ah ka sameeyey garoomada.

Gary Neville ayaa labadan ciyaartoy midkood kasoo garab ciyaaray, midka kalena ay marar badan garoomada iskaga hor yimaaddeen oo ay si adag u xafiiltameen.

Xiddigii reer Ghana ee Michael Essien ee khadka dhexe uga ciyaari jiray Chelsea iyo Real Madrid ayaa uu Gary Neville sheegay in aan la siinin qiimayntii uu lahaa oo hoos loo dhigi jiray, inkasta oo aanu sharrixin in sababtu la xidhiidho cunsuriyad ama arrin kale oo iska dhacday.

Essien ayaa muddo siddeed sannadood ah u ciyaaray Chelsea isaga oo tiir-dhexaad u ahaa guulihii ay gaadhay kooxdaasi, isaga oo la qaaday laba horyaal oo Premier League ah iyo koobab kale.

Ciyaartoyga kale ee uu sheegay in la dulmiyey oo hoos loo dhigay ayaa ah Louis Saha oo ay Manchester United  u ciyaari jireen, isla markaana kulamo badan ka ahaa geesiga aan loo heesin muddadii uu joogay Manchester United iyo sidoo kale kooxo kale oo Premier League ah.

Gary Neville oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyey taageere ayaa yidhi: “Ciyaartoy heersare ahaa oo usoo ciyaaray kooxaha waaweyn ee Premier League laakiin aan helin qiimayntii uu mudnaa waxa uu ahaa Michael Essien, labadii ama saddexdii sannadood ee u horreeyey. Saamayn uu kooxda ku lahaa, marka laga soo bilaabo awooddiisii orodka, tamartiisii khadka dhexe, dheellitirkii uu u samayn jiray Frank [Lampard], waxa uu Essien ahaa ciyaartoy heersare ah.

Essien ayaa sannaddkii 2020 ka fadhiistay ciyaaraha, isaga oo sidoo kale usoo ciyaaray Real Madrid, AC Milan iyo Panathaniakos, haddana waxa uu tababare ka yahay kooxda reer Denmark ee FC Nordsjaelland.

Saha ayaa isaguna usoo ciyaaray tiro kooxo Premier League iyadoo Manchester United ay sannadkii 2004 kala soo wareegtay Fulham, waxaanay Neville iska garab ciyaareen muddo afar sannadood ah.

Weeraryahankan hore ee Faransiiska ahaa ayaa sidoo kale usoo ciyaray Newcastle, Everton, Tottenham iyo Sunderland. halka uu sidoo kalena kooxda Talyaaniga ee Lazio u saftay lix kulan ka hor intii aanu ciyaaraha ka fadhiisanin sannadkii 2013.

Gary Neville oo ka hadlayay Saha ayaa yidhi: “Waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda aanu iska hor nimid laakiin markii dambe aanu iska garab ciyaarnay. Markii uu joogay Fulham ayaanu iska hor nimid laba jeer ayaanu i burburiyey. Mar waxay ahayd FA Cup, mar kalena Premier League.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*