Gary Neville Iyo Roy Keane Oo Ku Kala Tegay Dood Adag Oo Ku Saabsan Liverpool Iyo Man City – Neville Oo ‘KA BAQAYA’ In Liverpool Afar Koob Isku Darsato & Keane Oo Dhinaca Saaray City

Gary Neville ayaa qirtay in uu ‘ka baqayo’ in kooxda kubadda cagta Liverpool ay ku guuleysato afar koob xilli ciyaareedkan socda, hase yeeshee waxa fikirkaas ka hor yimid saaxiibkiisii hore ee Manchester United ee Roy Keane oo horyaalka u diiday Jurgen Klopp, una saadaaliyey Manchester City.

Liverpool ayaa u tartamaysa dhamaan koobabka, iyadoo hal dhibic kaliya ka hoosaysa Manchester City oo hoggaanka haysa, waxaanay sidoo kale wareegga siddeedda usoo gudubtay Champions League, halka semi-finalka FA Cup ay wada ciyaari doonaan Manchester City, iyadoo bishii horena ay Reds ku guuleysatay Carabao Cup.

Kooxda horyaalka Premier League difaacanaysa ee Manchester City ayaa iyaduna haysata fursad ay saddex koob ugu guuleysan karto, waxaana haddii ay sidaas samayso ay la mid noqon doontaa Manchester United oo sannadkii 1999kii ku wada guuleysatay Champions League, Premier League iyo FA Cup iyadoo ay u ciyaarayaan Roy Keane iyo Gary Neville.

Man City iyo Liverpool ayaa usbuuca dambe garoonka Etihad Stadium ku ciyaari doona kulan ay suurtogal tahay in natiijadiisu ay isbeddel ku samayso sida uu hadda yahay miiska kala-sarrayntu, waxaana kooxda guuleysata ay u dhowaan doontaa hanashada horyaalka maadaama ciyaartaas kaddib ay min lix ciyaarood oo kali ahi uga hadhsanaanayaan dhamaadka xilli ciyaareedka.

Gary Neville iyo Roy Keane oo ka qayb-galay doodda The Overlap’s live fan debate ayaa uu mid walba soo bandhigay sida uu u arko in xilli ciyaareedkani ugu dhamaan doono labada kooxood ee isku eryanaya horyaalka Premier League, waxaana Neville oo hadalka ku horreeyey uu yidhi: “Liverpool ayaa khatar badan ah xilli ciyaareedkan, waanan baqayaa maadaama aan ahay taageere Man United ah.

“Run ahaantii waxa aan ka walwalsanahay in ay ku guuleysanayaan saddex ama afar koob, walaac ayaanay i gelinaysaa taasi. Waa koox aan la rumaysan karayn khatarteeda, waxayna ila tahay in ay samayn doonaan wax khaas ah oo qurux badan xilli icyaareedkan.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu ku daray: “Markii aan daawaday ciyaartii Arsenal, ma jirin wax aan arkay oo aan ii sheegayn in ay ku guuleysanayaan horyaalka. Waxay ahayd ciyaartii horyaalka loogu guuleysanayay.

“Waxay ila tahay, Liverpool ayaa ku guuleysanaysa horyaalka. Waxay sidoo kale khatar ka yihiin laba horyaal oo kale, waxaan u malaynayaa in ay samayn doonaan wax khasaas ah sababtoo ah waxay haystaan shan weeraryahan.”

Roy Keane ayaa intaas kaddib doodda soo galay, waxaanu saaxiibkii Nevile kaga soo horjeedsaday fikirka ah in Liverpool ay ku guuleysanayso horyaalka Premier League, waxaanu yidhi: “Anigu wali City ayaan wataa.

“Waxaynu u tilmaanay Klopp sidii aanu Pep garanayn sida ciyaaraha waaweyn laynka looga gudbo ee koobabka loogu guuleysto. Ma aha in aynu illowno in Pep uu yahay tababare aan la rumaysan karin, walina waxaan u malaynayaa in City ay ku guuleysan doonto horyaalka.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*