Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa noqotay naadiga ugu cadcad saxeexa xiddiga reer Brazil ee Neymar oo la sheegay in PSG ay doonayso inay iibiso xagaagan, iyadoo si weyn hoos ugu dhigtay lacagta ay ku xaraashayso.
Mustaqbalka Neymar ayaa toddobaadkan mugdi galay markii la sheegay in Paris Saint-Germain ay doonayso inay iibiso xagaagan, si ay u abuurto jawi uu hoggaamiye ka yahay Kylian Mbappe oo meesha looga saaro ciyaartoyda loollanka dhinaca kooxda gudaheeda kula jira.
30 jirkan ayaa la sheegay in PSG ay ka biyo diidsan tahay hab-dhaqankiisa iyo qaab ciyaareedkiisa oo hoos u dhacay, iyo waliba in aanay isku wanaagsanayn Mbappe oo dhowaan qalinka ku duguugay heshiis saddex sannadood ah oo ka dhigaya ciyaartoyga ugu mushaharka badan kooxda.
Jamaahiirta PSG ayaa iyaguna aan al dhacsanayn Neymar oo doonaya in kooxda laga diro iyagoo ku ooriyey wareeggii 16ka ee Champions League markii ay Real Madrid ku garaacday Santiago Bernabeu ee ay tartanka ka reebtay.
Sky Bet ayaa saadaaliyey kooxaha uu Neymar tegi karo, waxaana kaalinta koowaad kaga jirta Chelsea, halka Barcelona ay labaad fadhido balse ay ka horreyso Newcastle United.
Sidoo kale, Real Madrid, Manchester City iyo Manchester United ayaa iyaguna ku jira liiska kooxaha ay suurtogalka tahay inuu xiddiga reer Brazil u wareego.
Halkan kaga bogo qiimaynta kooxaha ugu cadcad saxeexa Neymar:
- Chelsea – 7/1
- Barcelona – 14/1
- Newcastle – 14/1
- Real Madrid – 14/1
- Manchester City – 16/1
- Manchester United – 16/1
- Bayern Munich – 20/1
- Liverpool – 22/1
- Tottenham – 40/1
Be the first to comment