Finalka FA Cup, Horyaalka Premier League Ee Xilli-ciyaareedka Dambe & Muddada Uu Garoomada Ka Maqnaanayo Antony

Weeraryahanka Manchester United ee Antony ayaa la xaqiijyey in uu muddo bilo ah u jiifi doono dhaawac kuranta ah oo kasoo gaadhay ciyaartii Chelsea ay xalay ku garaaceen 4-1, taas oo laaga dhax-qaaday qaybtii hore isaga oo ooyaya.

Taakal xun oo uu kuraanta kaga qabtay Trevoh Chalobah ayaa sababay dhaawaca Antony oo la sheegay in isla halkaas oo hore uga dhaawacmay oo uu muddo laba bilood ah u jiifay waqtigii uu u ciyaarayay kooxdiisii hore ee Ajax.

Inkasta oo aanay Manhester United shaacin warbixinta baadhitaannadii lagu sameeyey Antony maanta oo Jimce ah, haddan wararka laga helayo Ingiriiska ayaa waxay sheegayaan in aanu xiddiga reer Brazil qayb ka noqon doonin safarka ay kooxdiisu ku tegi doonto waddanka Maraykanka dhamaadka bisha dambe.

23 jirkan oo daqiiqaddii 24aad laga dhax qaaday garoonka, ayaa waxa la  filayaa in ugu yaraan bil iyo dheeraad uu garoomada ka maqnaan dono.

Waxa kale oo xalay Manchester United ka dhaawacmay difaaca bidix ee reer England ee Luke Shaw oo ay halis ku jirto fursaddiisa finalka FA Cup ee ay toddobaadka dambe la ciyaari doonaan Manchester City.

Tyrell Malacia ayaa lagu soo beddelay Shaw waqtigii nasashada, laakiin warka fiican ee ay Unted heshay ayaa ah in uu usoo laabtay Marcus Rashford oo kasoo kabtay dhaawac iyo xanuun sku raacay oo uu ku maqnaa labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*