Faransiiska Oo Guul Weyn Gaadhay, Netherlands Oo Ku Tumatay Poland Iyo Natiijooyinka Kulamadii UEFA Nations League Ee Caawa

Xulka qaranka Faransiiska  ayaa magaalada Paris ku karbaashay Austira oo ay 2-0 ku garaaceen, xilli Kylian Mbappe iyo Olviier Giroud ay isku qoreen diiwaanka goolasha. Faransiiska oo hormada League A Group 1 ay kula jiraan Croatia, Denmark iyo Austria ayaa caawa soo hooyey guushiisii koowaad.

Garoonka qaranka Faransiiska ee Stade de France ayaa waxa uu xulka Faransiiska oo afar kulan oo hore oo uu ciyaaray aan wax guul ah soo hoynin, isla markaana laba laga badiyey, labana barbarro keenay waxay caawa cadhada kula dhaceen Austira oo ay 2-0 iskaga reebeen.

Kylian Mbappe ayaa qaybtii labaad furay goolasha kaddib fursado badan oo uu khasaariyey qaybtii hore, waxaana mid labaad raaciyey Olvier Giroud oo kusii siqaya in uu noqdo ciyaartoyga taariikhda Faransiiska ugu goolasha badan dhinaca xulka.

Guushan ayaa Faransiiska u keentay inay soo galaan kaalinta saddexaad, waxaana ka horreeya Croatia oo 10 dhibcood haysata isla markaana 2-1 kaga adkaatay Denmark.

Kulankan oo uu Luka Modric kusoo bandhigay ciyaar tayadeedu sarrayso oo aanay ka muuqanin da’diisa sii weynaanaysa ayay Croatia goolka koowaad keensatay bilowga qaybta labaad, waxaana daqiiqaddii 49aad u dhaliyey Borna Sosa oo difaaca bidix ka ciyaarayay, hase yeeshee waxa ka daba yimid Christian Eriksen oo goolka barbarraha u keenay xulka Denmark oo uu dib ugu soo laabtay bilo ka hor kaddib wadne-istaagii daqiiqadaha kooban uu ku jiray sannadkii 2021 ee EURO 2021 oo uu dhimasho ka  badbaaday.

Croatia ayuu guusha u xaqiijiyey Lovro Majer oo beddel kusoo galay xilli dhamaadka ciyaarta ay ka hadhsanaayeen 10 daqiiqadood, waxaanay guushani ka dhigan tahay in ay haystaan 10 dhibcood oo ay hoggaaminayaan Group A1, halka Denmark ay haysato 9 dhibcood, Faransiiskuna 5 dhibcood iyo Austria oo ugu hoosaysa oo shan ciyaarood ka xoogsatay 4 dhibcood.

Dhinaca kale, xulka qaranka Belgium ayaa 2-1 kusoo garaacay Wales oo marti ugu ahayd Brusells, waxaana labada gool ee Belgium kala dhaliyey Kevin De Bruyne iyo Michy Batshuayi, iyadoo goolka madiga ah ee Wales uu saxeexay Moore.

Belgium ayaa garoonka ka baxday iyadoo tababarahoodu uu qaatay kaadh casaan ah markii uu dhamaadkii ak cadhooday go’aamadii garsooraha oo uu gadood ka muujiyey, waxaana sidoo kale gacmo madhan la rawaxay Eden Hazard oo inkasta oo uu kusoo bilowday ciyaarta aan haddana aan caawinta iyo dhalinta midna lahayn.

Belgium ayaa guushani siisay in ay kaalinta labaad kasoo galaan hormada League A Group 4, waxaana ka horreeya Netherlands oo madaxa ka garaacday Poland oo 2-0 kusoo karbaashtay kulan ka dhacay magaalada Warsaw ee caasimadda u ah Poland, waxaana iyaga oo marti ah goolasha u dhaliyey Cody Gakpo iyo Steven Bergwijn.

Waxa ciyaartan dhamaystay Robert Lewandowski oo si aad ah u raadinayay goolal iyo inuu xulka dalkiisa ka difaaco guul-darro maadaama ay dalkooda joogeen oo ay tobannaan kun oo taageereyaal ahi garoonka iskaga soo xaadiriyeen daawashadooda.

Natiijooyinka kulamadii kale ee UEFA Nations League ee caawa

  1. Lithuania 1-1 Faroe Islands
  2. Slovakia 1-2 Azerbaijan
  3. Turkey 3-3 Luxembourg
  4. Liechtenstein 0-2 Andorra
  5. Kazakhstan 2-1 Pelarus
  6. Latvia 1-2 Moldova
  7. France 2 – 0 Austria
  8. Belgium 2 – 1 Wales  
  9. Poland 0 – 2 Netherlands  
  10. Croatia 2 – 1 Denmark

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*