“Fadlan Ii Keena” – Erik Ten Hag Oo Maamulka Manchester United U Gudbiyey Liiska Xiddigaha Uu Doonayo Xagaagan

Tababaraha Manchester United ee Erik ten Hag ayaa u sheegay maamulka kooxdiisa in uu u baahan yahay in uu helo xiddigo kale oo uu ku xoojiyo safkiisa si uu ugu tartami karo horyaalka Premier League xilli ciyaareedka dambe.

Red Devils oo xalay 4-1 ku karbaashtay Chelsea ayaa xaqiiqsatay in ay ka qayb-gelayso tartanka Chmapions League, waxayse masafo dheer u jiraan Manchester City oo 17 dhibcood ka horreysa, taas oo uu Erik ten Hag doonayo in uu soo qabto oo uu la tartamo xilli ciyaareedka soo socda.

“Seeska hoose ayaanu si fiican uga soo dhisannay, laakiin waa in aanu hore u socono oo aanu gaadhno heerka aanu rabno waana in aanu dalbano waxa aanu doonayno.” Ayuu yidhi Ten Hag oo saxafadda la hadlayay.

“Hadda, in badan ayaanu ka dambaynaa shaqo adagna way noo tallaa, balse waxa aanu u baahanahay ciyaartooyo wanaagsan oo aanu la saxeexano haddii aanu doonayno in aanu la tartanno kuwa ugu sarreeya.” Ayuu raaciyey.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay, in Erik ten Hag uu maamulka kooxda u gudbiyey magacyada shan ciyaartoy oo wadarta lacagta lagu heli karayo ay tahay £365 milyan oo Gini, kuwaas oo uu rumaysan yahay in haddii uu la saxeexdo ay kooxdu isbeddeli doonto.

Ciyaartoydan ayaa waxa ugu horreeya Harry Kane oo Tottenham ah, Mason Mount oo Chelsea ka tirsan, Declan Rice oo ah kabtanka kooxda West Ham, difaaca Napoli ee Kim Min-jae iyo difaaca midig ee Bayer Leverkusen ee Jeremie Frimpong.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*