Dood Ka Taagan Taallada Ay Man City U Dhistay Sergio Aguero Oo U Ekaatay Toni Kroos

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa dood badan ka keenay taallada cusub ee ay Manchester City barxadda hore ee Etihad Stadium uga dhistay weeraryahanka reer Argentina ee Sergio Aguero, taas oo u ekaatay xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid ee Toni Kroos.

Sergio Aguero ayaa taalladiisa laga sameeyey muuqaalka dabbaal-deggii uu sameeyey goolkii uu daqiiqaddii ugu dambaysay ka dhaliyey QPR ee ay horyaalka kaga qaadeen Manchester United, iyadoo goolkaasi uu noqday farqiga kala  saaray labada kooxood ee isku magaalada ah.

City ayaa xiddigeeda ugu goolasha badan taariikhdeeda waxay ku maamuustay taallo Jimcihii maanta lasoo bandhigatm taas oo markiiba abuurtay hadal-hayn badan iyo falcelin ay ka sameeyeen taageereyaasha kubadda cagtu, kaddib markii uu sawirkaasi u ekaaday Toni Kroos.

Baraha bulshada, gaar  ahaan Twitter-ka ayaa si aad ah loogaga falceliyey arrintan, iyadoo taageereyaashu isweydiiyeen haddii ay Manchester City sawir qaldan u isticmaashay taalladdan oo halkii ay Sergio Aguero sawiri laahayd ay Toni Kroos sawirteen.

Aguero ayaa Manchester City u saftay 390 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah intii u dhaxaysay 2011 illaa 2021, waxaana uu muddadaas isku qoray mid ka mid ah xiddigihii ugu fiicnaa ee soo maray taariikhda horyaalka Premier League.

Waxa uu u dhaliyey 260 gool oo dhamaan tartamada ah, waxaanu yahay ciyaartoyga ugu goolasha taariikhda kooxdan oo uu 11 sannadood u ciyaaray, isaga oo kula guuleystay lix horyaal ka hor intii aanu xagaagii hore ka tegin, waxyar ka hor  intii aanu kusoo boodin wadne xanuun sababay inuu ciyaaraha ka fadhiisto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*